Afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Dheere Oo ka War-bixiyay Madax Furashadii ay kusii Daayeen Silvia Romano

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii Madax-furashada aheyd ee ay ku bedesheen sii-deynta Silvia Romano .

Oo aheyd Gabadh Talyaaniga u dhalatay oo muddo Sanad iyo badh ka hor Kooxdiisu ka soo Qafaasheen dalka Kenya, laguna hayey gudaha Somalia.

 

 

Isagoo ka hadlayey Wareysi uu telefonka ku siiyey wargeyska La Repubblica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayuu Cali dheere ku Xaqiijiyey iney qaateen lacagta madax furashada ah, isagoo xusay in loo Adeegsan doono in lagu maal-geliyo wax uu ugu yeedhay jihaadka ka socda geeska Afrika.

 

 

“Qeyb ahaan lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in lagu soo iibiyo hub, taasoo aan u baahannahay si aan u xoojino jihaadka aanu kula jirno cadowga Islaamka, inta kale ee lacagta kasoo hadhana waxaa lagu bixin doonaa iskuullada.

Wixii kale ee intaa kasoo hadhana waxaa lagu iibin doonaa Cunooyin iyo Dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa Booliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada” ayuu yidhi Cali Dheere oo aan sheegin cadadka lacagta ay Madax fursahada u qaateen.

Afhayeenku Waxaa uu sheegay in dhowr iyo toban qof ay ka qeyb qaateen Afduubka Silvia Romano, balse aysan Agaasimin Al-Shabaab iyo masuuliyiinteedu, mana sheegin cida ay ahaayeen dhowr iyo tobanka qof.

 

 

“Nidaam abuuraya inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka Ururka ayey Al-Shabaab leedahay” ayuu yidhi afhayeenka oo dhinaca kale Sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia.

 

“Silvia waxay inoo aheyd agab aan ku Gorgortono. Waxay sidoo kale ahayd haweeney, Anagana haddaan nahay Al-Shabaab xushmad weyn ayaan u haynaa haweenka.

Waxaan sameynay wax kasta oo aan awoodno si aynan dhib u gaadhsiin, sababtoo ah Silvia waxay ahayd la-hayste balse  ma ahayn Maxbuus dagaal. Maxaabiista dagaalka waxaan ku wareejinaa ciidamadeena, si la mid ah waxa ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya marka ay qabtaan askari Al-Shabaab ka tirsan .” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab.

 

 

Mar uu ka hadlayey sida Silvia Romano u qaadatay shareecada Islaamka iyo kaalinta ay kooxdiisu ku laheyd arrintaas ayuu sheegay inaan lagu qasbin qaadashada diinta islaamka balse ay iyagu u bandhigeen ka dibna ay ku qanacday.

 

“Silvia Romano inta aan ka warqabo waxay dooratay Islaamka sababtoo ah waxay fahamtay qiimaha diinteena, kadib markii ay Akhriday Qur’aanka karimka ah oo ay ku qanacday” ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab.

 

 

Dhinaca kale, Warbaahinta kooxda Al-shabaab taageerta ayaa si weyn u faaqidaysa Islaamnimada ay qaadatay gabadhan Talyaaniga ah ee u afduubneyd iyagoo sheegay in arrintan ay ka dhigan tahay iney labo gool ka dhaliyeen Taliyaaniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker