Itoobiya sidee ayey u xakamaysay fiditaanka covid19?

Itoobiya amaawiirta ay soo saarto way fulinaysaa oo ay si joogta ah u dabagalaysa ciddii jabisana lagula xisaabtamaysa.

Waxay amartay in guri walba uu hortiisa dhigaan weel biyo ku jiraan iyo saabuun lagu faraxasho, maalin walba kormeer baa jira gurigii lagu arko iyadoo bilaa biyo ah weelku ama aanay saabuuni oolin waa ganaax.
Sawirkan idiin muuqda waa wajaale qaybta itoobiya guri walba waxa dayrkiisa sudhan caagadan iyo saabuun qofkii soo galla waa qasab inuu ku faraxasho waayo waxay ka baqayaan inuu kormeerku arko.

Wajaale qaybta somaliland war kama hayso inuu cudur jiro iyo in kale halka qaybta itoobiya si adag loo shaqaynayo.

Imika waxay ka fikirayeen dadkan ka soogallaya dhanka somaliland waxay ka yeeli lahaayeen, imika qofkii soogalla askarta garaacaysa dib usoo celinaysa hadana dadkii way sii socdaan uun imika waxay doonayaan in qofkii dhankooda soogala in 14 cisho xidhaan ka dibna dib usoo celiyaan si dadku u baqdaan.
Waxa la isku dhaafay fulinta amaawiirta iyo dabagalka inuu fuley iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker