Raysal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Markii Ugu Horraysay Shacabka La Hadlay Tan Iyo Intii Uu Bogsaday

Raysal-wasaaraha dalka Ingriiska Boris Johnson, ayaa ka digay khafiifin dhow oo lagu sameeyo xayiraadaha xanuunka Coronavirus ee dalkaasi mar uu hadlayay goor dhawayd oo Isniinta maanta ah ah tan iyo markii uu kasoo kabtay xanuunka Coronavirus.

Raysal-wasaare Jonhson oo ka hadlayay xafiiska Lumbar 10 ee magaalada London, ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan calaamado dhab ah oo muujinaya in dalku uu ku dhow yahay ka guulaysashada wejigii koowaad ee dagaalka uu kula jiro Coronavirus, kaas oo UK ku dilay in ka badan 20,000 oo qof.

Raysal-wasaaraha Ingriiska ayaa si wayn uga digay in UK ay ku sugan tahay khatar sare, isagoo soo jeediyay in xayiraaduhu ay baaqi sii ahaadaan si looga hortago laba kaclayn kale oo uu xanuunku sameeyo xilli dib loo eegi doono xayiraadahaa dalkaas lagu soo rogay bisha May marka ay tahay todoba.

 

Boris Johnson raysal-wasaaraha boqortooyada midowday ee Ingriisku waxaa uu xanuunka barbardhigay gacan ku dhiigle iyo budhcad aan la arkayn, taas oo ay boqortooyadu bilowday inay la halganto.

Dawladda British-ka ayaa waajahday dhaleecayn xoog leh oo ku aaddan sida ay u maamushay xanuunka, gaar ahaan bilowgii xanuunka oo lagu eedeeyay inaanay si dhab ah u qaadan, qalabka shaqaalaha caafimaadka oo helistoodu yarayd iyo baadhitaannada dadka oo aad u yaraa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker