TAARIIKHDA IYO SUUGAANTII YUSUF X. AADAN QABILLE: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Yusuf xaaji aadan aw cilmi qabilleh wuxu ahaa aabihii labaad ee waxbarashada umada soomaliyeed kaas oo qayb dhan oo cimrigiisa ah u huray waxbarida iyo kor uqaadida aqoonta iyo waxbarashada dadka soomaliyeed.
Yusuf xaaji aadam wuxu ku dhashay magaalada hargaysa taariikhdu markii ay maraysay 15/july/1914kii, alle ha u naxariistee wuxu ahaa aqoonyahay, macalin karti badan oo waxbaray qayb badan oo maanta bulshada somaliyeed magac iyo maamuus ku leh, wuxu ahaa abwaan curinta suugaanta halqabsiga leh eebe weyne u xudumay sidaa oo ay tahay diiwaankiisa waxa daf iyo mush ka ah heeso iyo gabayo lagu hoga tusaalaynayo umada soomaliyeed, qaar gumaystaha iyo wuxu maaganyahay dadka uu xaajigu ugaga digayo.
Suugaantiisa caan baxday waxa kamid ahayd heestii soomaliyeey toosa, heestaas oo uu curiyey xiligii gobonimo doonka ay umada soomaliyeed ahayd aadna loo wada jeclaa Somali xornimo hesha.
Yusuf xaaji aadan isaga oo jooga dugsigii magaalada sheikh ku yiiley ee sos ayey kusoo dhacday oo uu curiyey heestaa kadib waxay u soo ambobaxay isaga iyo rag la socdaa xaruntii ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga ahaa S.Y.L(Somali youth league) xaruntiisii magaalada gaalkacayo, yusuf xaaji aadan wuxu ogolaaday in heesta uu qaado qof luuq wacan si naadiga s.y.l looga horqaado heesta, waxaana heesta qaadi jirey cali mire nin la odhan jirey oo aad u luuq wacnaa oo isna kamid ahaa macalimiintii dalka, sidoo kale waxa isna heestaa soomaliyey toosa naadiga s.y.l ka qaadi jirey qaasim hilowle oo isna ahaa nin cod tolmoon oo meel dheer laga soo maqli jirey alle ha u wada naxariisto dhamaantoode.
Heestu waxay umada somaliyeed faraysaa qiimaha iskaashiga iyo isku tiirsanaanta, waxay xoog u dhaliilaysaa wax xuna ku sheegaysaa in somaali iyadu isku maqan tahay gumaysigii kala qaybsadayna aanay lahayn indho ay ku eegaan, qaybaha dhexe ee heesta abwaanku muu iloobin in qiimaha waxbarashada uu u sheego soomali idil ahaanteed kaas oo uu ku tirtirsiiyey inay wadankooda taamyeelaan oo dhamaystiran gaadhsiiyaan.
soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taagdaranee
Taageera waligiinee
Idinkaysu tookhaayoo
Idinkaysu taamaayee
Aadamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taamyeeloo
Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luuqadaa tuwaaxid ahoo
Abwaanku wuxu ogaysiinayaa soomali in dhulkoodu uu yar yahay oo lamid dhigay taako keliya marka loo eego aduun weynaha, Somali in cadowgeed u tashaday ayuu hadal macaan badan inoogu sheegayaa sida adhi dhaxala sida loo qaybsado oo ninba in ula meel-maro ayaa gumaystuhu degelkii soomali ula meel maray, geelaagii oo lagaa dhacay oo cadowgii kaa qaaday aad garanayso ayaa toogasho u badheedhaan oo idinku birta iska aslaysaan, dhulkaa dhan ee Somali degantahay ee gumaystuhu dhacay miyaan dhagaxna loo tuureyn ayuu is waydiinayaa xaajigu alle ha u raxmadee.
Gabogabada heesta ayuu xaajigu aad uga calaacalayaa sidu uga xun yahay dhulkiisa dhan ee gumaystuhu boobay iyo sida aanay soomali u dareensanayn, abwaanku wuxu kusoo gunaanadayaa waxaan la ooyaa oo ilmadu iiga socotaa goor iyo Ayaan nin ikhtiyaar loo diiday oo la adoonsadaan ahay, wuxu yidhi yusuf xaaji aadan cilmi qabilleh alle ha u naxariistee:
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan oo
Tiro ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin oo
Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhanee
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn
Qaran aan hubkuu tumayo
Tooreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa
Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qaylshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayey baan ahayee
Hadba waxaan laa ooyaayoo
Oo ilmadu iiga qubaneysaa
Iqtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahayee.
Markale yusuf xaaji aadan waa kii lahaa isagoo tilmaamayey tamar darada dadka soomaliyeed iyo xeeladaha daran ee gumaystaha la damacsan yahay bulshada soomaliyeed isagoo dibindaabyada gumaystaha gaadhsiiyey heer ay dadkii somaliyeed ee reer miyiga ahaa ay u diidaan inay xoolahooda maalaan, markale ay ka hor istaageen meelihii biyaha ay ka cabi jireen sida baraakigihii, warihii, ceelashii iyo qaydaradii, waxaanu yidhi:
Hadhuub nin sitoo
Hashiisa irmaan
Ha maalin laleeyahaan ahay
Nin hawd fadhiyoo
Haraad dilayoo
Biyaha laga heegay baan ahaye
Nimaan hadalkiisu
Hadhqoodaalkiyo
Haweenkaba dhaafin baan ahaye
Dagaal nin uu haysto Meel halisoo
Hubkiisu hangool yahay baan ahaye.

Yusuf xaaji aadan wuxu ahaa abwaan weyn oo suugaantiisu kaalin mug leh ka qaadatay halgankii gobanimo doonka ee ingiriiska dalka lagaga kicinayey. Suugaantiisa caan baxday waxa kamid ah heesta sidii goray dhashiisii ee uu ku luuqeeyo fanaanka caanka ah ee Maxamed Axmed Kuluc alle ha u naxariisto dhamaantoode waxaana kamid ahaa ereyadeedii:
Sidii goray dhashiisii
Meel bannaan dhigay
Dhoolkii hillaacaba
Soo dhababaceeyoo
Dhibicii ku hooraba
Baalasha uga dhigayaan
Dhibaatada adduunyada
Adna kaaga dhawraa
Sidii gaari dhabanloo
Dhursugaysay waayo
Dhawaan wiil ku curataan
Dhabta kuugu seexshaa
Dhaayaha sidaad tahaan
Saxarka kaaga dhawraa
Sidii beer dhacaayaan
Dhulka kaa ilaashaa!!!
Dheel dheel ma hadal baa
Dhalanteed ma arag baa
Dhalooshuna ma geed baa
Anna dhaawacaygii
Jaceylkaan la dhuubtiyo
Qalbigaygan kugu dhegay
Ma ii dhoy la’aan baa?

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker