Go’aanka xidhida masaajidu miyuu xaqiijinayaa ujeedada laga lahaa?

Dadka sameeya ama dejiya siyaasadaha lagu how galaa, waxay isku taxalujiyaan in “siyaasad dejintu” “policy making” ay si cad u qeexdo una sharaxdo ujeedooyinka iyo natiijooyinka la doonayo in go’aanada la qaataa ay xaqiijinayaan iyo in kale.

“Policy making” “siyaasad dejin” waxa lagu qeexaa inay tahay hab ilaaliya oo haga go’aanada, isla markaana xaqiijiya natiijooyin macquula”rational outcomes”, inagu waxaynu ku daraynaa oon khilaafin shareecada Islaamka.

Haddii ayna suurta gal ahayn in la helo danaha togan ee laga lahaa go’aanadaasi, fulinta go’aanadaasi waa la joojiyaa, waayo khasaarahooda ayaa badan, kharashka iyo shaqada lagu bixinayana ma istaahilaan.

Taasi macnaheedu waxa weeyi maslaxad iyo dano ku jirtaa ma muuqdaan.

Waxa hadaba is weydiin leh, go’aanka  xidhida masaajidu ma yahay mid dhalinaya natiijooyin macquula?

Wadaadada ka hadlay ee taageeray  go’aankani way baal mareen halka la isku khilaafsan yahay, oo ah waxay fuqahadu ku magacaabaan “محل النزاع”, waxayna tahay inuu go’aankani “kaligii” xakamayn karo faafitaanka cudurka iyo in kale.

Waa waajib in la ixtiraamo caqliyada dadka, isla markaana loo qalbi furnaado ra’yiga mukhaalifka kugu ah, oo la iska ilaaliyo “afduubka fikradeed”!

Go’aankani wuxuu is leeyahay ka dabqaado kuwo ay dowlado kale qaateen, laakiin wuu ku fashilmay inuu kuwaasi fangalo, waayo:

1- Dowladahaasi oo Maraykanku ugu horeeyaa waxay wada xidheen goobaha bulshada “public places” “الأماكن العامة”.

2- Goobaha maaweelada ee ay ka midka yihiin garoomada ciyaaraha, tiyaatarada, shinimooyinka intaba handaraab ayaa lagu wada dhuftay.

3- Ciyaaraha waqtiga oo soo xareen jirtay malaayiin lacaga iyana looma aabo yeelin.

4- Socdaalka iyo safarka oo la wada xanibay ama la xadiday.

Haddaba diyaarada Itoobiya ha iska socoto, qaadka ha la keeno, huteelada lagu sheekaysto, coffee shop yada, mafrashyada qaadku ha iska furnaadaan, isla markaana masaajida ha la xidho macquul maaha.

Ujeedada ugu  weyni waxay tahay in la abuuro “kala fogaan bulsho” “social distance”, soo sidaa maaha? Dee masaajidana ha lagu fuliyo, suuqa intiisa kalena ha la is garab yaaco, sigaarka ha la isku buufiyo, shaaha ha lawado cabo maxay tahay?

Khubarada caafimaadka ee hindistay fikrada  “kala fogaanta bulsho ” umay qeexin sidan aynu u qeexanay, isla markaa aynu rabno inaynu u fulino, ee Ilaahay ha laga yaabo, caqligana ha la ixtiraamo.

Maxaan ula jeedaa, bal dhagayso aan kuu cadeeyee: Kaba soo qaad khayriyada ama shiraaqle  ooynu ognahay “cidhiidhiga bulsheed” ee ka jira, miyay macquul tahay inaan maalin oo dhan ku dhex jiro cidhiidhigaa iyo saxmadaa,haddana markay salaaddu gaadho la yidhaa madaajidka la furi maayee guriga ku soo tuko.

 

Jawaabta adaan  kuu daayay adba caqli baad leedahay.

 

 

Sh. Maxamed Kaariye

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker