Taariikhda iyo macnaha su’aasha Baadiyo

Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow

waxa uu yidhi; maxaad u maleysaan oo koonfurtu idinka rabtaa?

Su’aasha tani waa mid taariikh iyo macne ballaadhan ku fadhida, ma aha su’aal uu Baadiyow leeyahay oo aragtidiisa ku timi. Su’aashan markii ugu horraysay waxa la isku wayddiiyey heshiiskaa dhexmaray Sudan iyo South Sudan ee loo yaqaaney Naivasha Agreement ama CPA ee ka dhacay dalka Kenya 2005 oo ka koobnaa shan baratakool iyo saddex is-afgarad.
Su’aashan waxa golaha keenay Urur Goboleedka IGAD oo si toos ah u wayddiiyey waxa ay Sudan ka dooneyso South Sudan. Inkasta oo la aaminsan yahay in su’aashani ay ka timi markeedii hore shirkadaha shidaalka ee la ga leeyahay Maraykan, Yurub iyo Canada oo kala ah; US Giant Chevron, Europe’s Lundin and OMV & Talisman, the Canadian Flagship Oil Company, oo dhammaantood rabay in ay shidaalka South Sudan u dhacaan kuwaas oo u soo dhiibay IGAD si Sudan iyo South Sudan loo kala jaro.
Waayo su’aashani ma ahayn mid ay Sudan itaal u hayso jawaabteeda; waa su’aal cilmi ku fadhida oo caddayneysa in Sudan ay rabto khayraadka South Sudan keliya ee aaney dan midnimo oo dawladnimo ka lahayn sheegashada ummad xornimo doon ah. Waa su’aal si fudud u fashilineysa cid wal oo rabta midnimo been ah ama aan wadan qaddiyad siyaasadeed oo waxtar leh.
U fiirso su’aasha waxa xaq loo gu leeyahay cidda wax dooneysa, ma aha cidda wax diidaysa. Su’aashu ma aha maxaad diidan tahay, waa maxaad rabtaan ama maxay idinka rabaan oo ku noqoneysa mar walba cidda wax rabta. Baadiyow, waa in uu ogaado in uu dooddii Soomaaliya si fiican u soo afjaray haddiiba ay rejo midnimo jirtay. Waa uu ku mahadsan yahay in uu su’aashaa golaha keeno.
Muxuu rabaa maamulka Soomaaliya ka jiraa? Waa su’aal saxan laakiin aan la wayddiin ciddii ku habbooneyd. Waxa loo dhigay si kala hormarin ah (Drag and Drop Question). Waa su’aal ay tahay in Soomaaliya ay ka jawaabto, ma aha su’aal Somaliland u taal marnaba waana halka uu wadahadalka qaddiyaddu ka bilaabmay doono.
Waxa aan ku celinayaa walaal Baadiyow su’aashan ma laha reer Somaliland, waxa leh reer Soomaaliya, fadlan u gee iyaga oo wayddii. Waxa aad ogtahay in su’aashani ay tahay tan ugu adag ee koonfur la wayddiin lahaa. Haddii aad wayddinteeda ku degantay waa hiil Alle, haddii ay badheedh kaa tahayna waad ku mahadsan tahay su’aashan aad ifka u soosaartay.
Mohamed O. Hagi Mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker