Daawo: Dawlada Federaalka Somalia oo ‘Mushahaarkii ka jartay ’ Xaasaskii ay Qabeen Askartii dalka u Geeriyootay + Sawirro

Muqdisho (OWN) – Iridda hore ee Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay sameeyeen qaar ka mid ah xaasaska askartii u geeriyootay difaaca dalka sanadihii lasoo dhaafay.

 

Haweenkaan oo Xidhay qeybo ka mid ah jidadka Madaxtooyada soo gala ayaa sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan muddo sanad iyo 3 bilood ee lasoo dhaafay.

 

Xaasaska Arkartii u geeriyootay difaaca dalka ayaa sheegay in laga soo xidhay dhammaan Xafiisyada Dowladda sidaas darteedna ay banaanbaxaan u sameeyeen, iyagoo codsaday in mushaarkooda la siiyo.

 

 

Xaasaskaas ayaa cod dheer ku sheegay inaysan heysan lacag ay raashin ugu iibiyaan ilmihii ay ka geeriyoodeen askartii u dhintay difaac dalka Soomaaliya.

 

 

Ugu dambeyntii xaasaska ayaa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka codsaday inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan cabashadooda isla markaasna la siiyo mushaarka ka maqan.

 

 

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso Xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawr jeer sheegay inay si gaar ah uga war qabi doonaan qoysaska ay askarta ka geeriyoodeen.

 

 

Sidoo kale waxay arrintaan niyad jab weyn ku tahay ciidamada hadda ka tirsan askarta Dowladda oo cabsi ka qabo in haddii ay geeriyoodaan ay ku dhacdo qoysaskooda midaan oo kale.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker