Qaramada Midoobay Oo Madaxda Somaliya U Jeedisey Talooyin Dhinaca COVID 19.

Somaaliya iyo dalal kale oo badan oo adduunka ah, waxay wajahayaan xilligaan caqabadda aan horay loo arag ee ka dhashay cudurka coronavirus (COVID-19),kaas oo dad badan diley kuwo kalena ay la jiifaan.

 

 

Meelaha Cudurka laga helay waxaa kamid ah Soomaaliya in kastoo aanu  badneyn,waxaana Qaraamda Midoobey ay sheegtey inay Soomaaliya ka caawineysa la tacaalida iyo ka hortagida Cudurka Covid 19.

 

 

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay taageero la garab taagan tahay Soomaaliya si looga hortago COVID 19,isaga oo ku baaqay ka hortaga Cudurkaas.

 

 

Hay’adaha UN-ka ee Soomaaliya waxay garab istaagayaan dadka Soomaaliyeed waqtiga imtixaanka. Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno dhammaan dadaallada aan wax uga qabanno caafimaadka degdegga ah iyo saameynta dhaqan-dhaqaale ee muddada-dheer ee COVID-19, ”ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

 

Waa inaan dhamaanteen midowno si aan uga hortagno faafitaanka viruska. Waxaan u baahanahay inaan fiiro gaar ah siino kuwa ugu nugul bulshooyinkayada, oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barokacay, kuwa naafada ah iyo waayeelka ayuu sii raaciyey. ”James Swan.

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey way ka codsaneysao qof walba oo Soomaaliya jooga in uu isu keeno dagaalka ka dhanka ah masiibada lana sameeyo xabad joojin deg deg ah iyo colaadaha sokeeyo si looga adkaado COVID 19.

 

 

“Waxaan ku dhawaaqayaa baaqa Xoghayaha guud ee xabbad joojinta deg degga ah ee caalamiga ah in meel looga dhigo qalalaasaha, amni darrada,cadaawada, iyo inaan diirada saarno la dagaalanka viruska, oo aan midba midka kale aheyn”, ayuu yiri Mr. Swan. “Tani waa mid lama huraan u ah kaalmada badbaadinta nolosha si loo gaaro bulshooyinka ku nool dalka Soomaaliya.

 

 

 

Si loo xoojiyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo COVID-19 ee heerarka federaalka iyo gobolka iyo sidoo kale la yareeyo suurtagalnimada faafitaanka fayraska, Qaramada Midoobay waxay sameysay nidaam si ballaaran looga wada shaqeynayo, caafimaad iyo nidaamyo taageero. Guddi hawleed ayaa loo sameeyay inay hubiyaan sii wadida ganacsiga wakaaladu waxay diyaariyeen qorshe diyaarsanaan iyo jawaabcelin faahfaahsan oo lagu taageerayo dadaallada Dowladda ayaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxey Qaramada Midoobey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker