Falan-qaynta Ciyaaraha , + Laacibka Mesut Ozel oo aad U Faraxsan Gabadh U dhalatay Awgeed

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil  ayaa Noqday aabbo, waxaana u dhashay ilmihiisii Cuarad, sida uu ku baahiyey bartiisa bulshada.

 

 

Ozil iyo xaaskiisa Amine waxa u dhalatay gabadh Loo bixiyey Eda, waxaana uu Tilmaamay laacibka Muslimka ah inuu aad u Cabsanayay xilligii uu ilmihiisu dhalanayay maadaama uu dunida walaac weyn ku hayay faafidda xanuunka Coronavirus, laakiin waxa uu xaqiijiyey in Eda ay ku dhalatay caafimaad buuxa.

 

Allah ayaa mahad leh, gabadhayada “Eda” Caafimaad ayay ku dhalatay.” Ayuu Ozil ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka oo uu kusoo lifaaqay sawirka xaaskiisa Amine iyo ilmaha yar oo uu isaguna la joogo.

Mesut Ozil ayaa waxa uu guursaday gabadha reer Turkey ee Amine Gulse, June 2019 xilligaas oo arooskiisa uu kasoo qayb-galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, taas oo ay dad badan ku fasireen inay ku duugnayd arrin siyaasadeed maadaama laacibkan uu culays ka saarnaa waddanka Jarmalka oo ay is haysteen tababare Low.

 

 

Ozil ayaa arooskiisa kaddib waxa uu bixiyey lacag qalliino loogu samaynayo 1,000 carruur ah.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO FALANQAYNTA CIYAARAHA OO DHAMAYSTIRAN.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker