Qaadka ayaa ka khatar badan Coronavirus. W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Dunida Ilahay abuurtay sida ay u dhan tahay Qaadka waxa ay u taqanaa in uu yahay Mukhadaraad u baahan in waligii lala dagaalamo ,balse Coronavirus waxa ay faham san yihiin in uu yahay Xanuun Saf-mareena lagana yaabo in uu iska tago dhawaan.

Maanta wadamada Yurub,Maraykan,Kanada iyo dhamaan wixii la halmaala,hadii hal mar lagugu qabto adiga oo Iibinaaya ama ka ganacsanaaya Geed shaydaanka Qaadka, waxa hubaal ah in dhamaan Sharciyada aad Dalkaasi ka haysato iyo nolol-maalmeedkaagaba in uu saamayn ku yeesho,xadhigna aad mudato.

Lakiin hadii maanta Wadamadan lagaa helo Xanuunka Corona waxa dhici karta in lagu Daweeyo,lakiin ma dhici karto in Sharciyada aad dalka ku joogto iyo qaab nololeedkaaga in uu waxyeeleeyo,waayo Corona waa xanuun lakiin Qaadku waa Daroogo Bini’aadmiga doorisa.

Coronavirus hadii Ilahay kaa badbaadiyo dhawr ayamood ayaad u jiifaysaa,lakiin Qaadka noloshaada iyo tan qoyskaaga illaa Dalka aad ku nooshahay ayuu saamayn ku yeelanayaa;markaa waxa la odhan karaa waa aafo Qaran.

Waxa aayamahanba dhagaheena kusoo dhacaayey, Madaxsare iyo dad aqoon yahan ah oo ka hadlaaya dhibatada inooga iman karta Xanuunka Coronavirus ee in-dhawaalaba Dunida dhibaatada ba’an ku haya.

Hadaba waxaa wax aad loola yaabo ah in Madaxdaasi iyo dhamaan aqoonyahankaasi ka hortaga Corana ay ku macneeyeen in ay fiican tahay in Qaadka Itopiya inooga imanaaya la joojiyo gabi ahaanba inta Corona inaga tagaayo;iyada oo ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay in Cudurka Coronanirus uu Qaadka soo raaci karo!!

Lakiin Madaxdaasi iyo Aqoonyahankaasi horay iyo danbe,iminka iyo wakhtiga soo socda midna ,kamay fikirin in Qaadku uu yahay mid ka xun kana saamayn badan dhanka dhibaatooyinka Xanuunka Corona.

Corona waa xanuun wakhti mucayim ah yimid, lagana yaabo in uu hadana iska tago Ilahayna inaga kaxeeyo ,lakiin waxaa aafo umadeed ah,dabargoyn Naf iyo Maalba ahi waa Qaadka/Jaadka .

Miyaanay wax lala yaabo ahayn kuwa leh Qaadka waxaa nosoo raacaaya Coronaha,miyaanay waxba iska waydiin in Qaadku Coronaha ka xun yahay.

Dunidu Gaal iyo Muslim sida Coronaha loola dagaalamo si ka xun ayaa loola tagalamaa Qaadka ,waxana loo yaqaana Mukhadaraadka Dunida kuwa ugu xun wadankastaana waa ka mamnuuc,Lakiin halka qof Somaliyi joogo Qaadna wuu yaala waayo isaga keenaaya oo ku ibtilaysan.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

France Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker