Itoobiya Oo Buufisay Wadooyinka Waawayn Ee Caasimada Adis Ababa , & Diwaan-galisayna 3kiis Oo Cusub.(Sawiro)

Maanulka magaalada Adis Ababa ayaa maanta galinkii hore Waddooyinka ugu waaweyn ku buufiyey sunta disha waxyaabaha il ma Aragtada ah uu fayrska ka mid yahay si looga Hortago faafitaanka Viruska Covid-19.

 

Tallaabbadan lagu Xakameynayo faafitaanka Cudurka Coronavirus ee uu soo gaaray dalka Itoobiya, Ayaa ah Ficil si dhab ah Looga Dhaqan Galiyay Caasimada Addis , Waxaanay Sababtay Hawshan Buufintu in Saacado kooban oo Galinki Hore ee Maanta ah la Xidho  dhamaan Wadooyinka Waawayn ee Caasimada Addis Ababa .

 

 

Iyada oo uu Xaalku sidaas yahay ,Ayay Itoobiya  maanta Diiwaan galisay kiisas cusub oo   ah ilaa 3 Qof ah oo laba kamid ah ay isku Qoys yihiin, waxana ay tan kor u qaadaysaa kiisaska covid-19 ee dalkaaasi, waxana ay ka dhigaysaa 19 sida ay sheegtay ,  Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi, waxana ay intaa ku dartay Wasaaradu in 2 qof ay dalkaas ugu Geeriyoodeen Corona, hal qofna uu caabuqa ka Bogsaday .

 

 

Buufintan ayuu  Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Taakale ku  micneeyay mid dadka lagu Baadhayo ahmiyada ka hortaga iyo saamaynta daran ee ee Corona leeyahay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker