Dowladda Sri Lanka Oo Deeq Lacageed ku Bixinaysa Qorshaha Deyn Cafinta Somaliya.

Image result for sri lanka flag Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday in ay Bixin doonto Rs. 163 milyan oo lacagta dalkaasi ah taasoo loogu talo-galay Xidhmada maaliyadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka oo lagu Oggolaaday deyn Cafinta Soomaaliya.

 

Lacagtan ay ku yaboohday Sri Lanka ayaa Ayaa ah mid Kordhin doonta qorshaha Maaliyadeed ee   ay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ansixisay bishii Diseembar 2019 inay ku caawin doonto ka bixinta deynta Soomaaliya.

 

 

Qaabka culeyska miisaaniyadda ee Hay’adda Lacagta Adduunka waa siyaasad ay Ansixisay Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) 1986 waxaana habkan loo qaatay inuu dib ugu soo celiyo khasaaraha dakhliga sababa la Xidhiidha lacag la’aan xubnahu dartood sababo kala duwan awgood.

 

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

 

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker