Murashaxa Bernei Sanders oo ku Guuleystay Doorashadii Gobolka New Hampshire ee Xisbiga Dimuqraadiga Gudihiisa

Senator-ka Gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay Doorashadii Talaadadii Shalay  ka dhacday Gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula  Tartami doona madaxweyne Donald Trump.

 

 

Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad ku galay 24%. Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ku gashay 20%.

 

 

Sanders ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Manchester inuu “guul weyn” gaaray, wuxuuna ballan-qaaday in Dimoqraadiga ay isku iman doonaan, si ay uga adkaadaan Trump.

“Aan idiin sheego in guusha caawa ay tahay billowga dhammaadka Donald Trump,” ayuu yidhi Sanders.

 

 

Dhinaca kale, codadka ay heshay Senator Klobuchar ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo saadaal ay sameysay jaamacadda New Hampshire ka hor doorashada ay muujisay inay haysatay taageerada kaliya 7% dadka.

 

 

Amy Klobuchar ayaa sheegtay in ololaheeda uu mar kale ka adkaaday saadaasha kuwa siyaasadda fallanqeeya.

Hase yeeshee doorashadiii xalay ayaa mar kale noqotay mid niyadjab u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo kaalinta shanaad ku galay 8% codadka.

 

 

Biden ayaa dad badan ay saadaalinayeen inuu noqon doono musharaxa dimoqraadiga ee wajahaya Trump, hase yeeshee labadii doorasho ee Iowa ee New Hampshire ayuu Biden ka galay kaalimo hoose.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker