Dawlada Iiraan oo sheegtay inay Askar Gaadhaysa 80 Ku Dishay Gantaalo ay ku Garaacday Saldhiga Maraykanka ee Ciraaq

Tehran (OWN) – Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in ugu yaraan 80 “Argagixiso Mareykan ah” Ay ku dishay 15-kii Gantaal ee ay ku Weerartay   Saldhigyada Mareykanka ee Iraq.

 

Taleefishinka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ku guul-darreysteen in xitaa hal ka mid ah gantaallaadeeda dhexda laga qabto.

Sheegashada Iran looma xaqiijin karo si madax-banaan, islamarkaana taleefishinka dowladda sooma bandhigin wax caddeymo ah.

Taleefishinka oo soo xiganaya Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaarisay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay beegsan doonto, haddii Washington ay qaaddo tallaabo aargudasho ah.

 

 

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay Xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga lagaga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka.

 

“Ficillada militari ee noocan ah kuma filna. Waxaa muhiim ah in lasoo afjaro joogitaanka musuq-maasuq ee Mareykanka ee gobolka,” ayuu Khamenei ku yiri khudbada laga sii daayey taleefishinka.

Dhinaca kale, dhammaan Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker