Siyaasi Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) Oo tacsi u diray wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Siyaasi Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ay Hooyadii Marxuumad Indha-deeq Jaamac Cumar ku geeriyootay 22/12/2019 Magaalada Burco, sidoo kale waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan ilma Kaaahin Axmed iyo qaraabada Reer Jaamac Cumar.

Waxaanu ilaahay ugu baryayaa inuu naxariistii Janatul fardawsa ka waraabiyo marxuumada. Ehelkeedi, qaraabadi iyo qoysaskii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker