Africom oo shaacisay inay duqeyn ku dishay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Kismaayo (OWN) – Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

 

Duqeynta oo lala beegsaday deegaanka Dujumma oo 6Km u jira degmada Bu’aale ayaa waxaa fuliyey ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya

Sidoo kale AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkaasi dhinaca cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa.

 

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntan aysan wax khasaare ah ka soo gaadhin dadka rayidka ah.

 

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Muddooyinkii la soo dhaafay  waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay ballaadhiyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay welo ku xoogan yihiin dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker