Dhul gariirka Ingiriiska & xisbiyada Somaliland

Doorashada ka dhacday dalka boqortooyada Ingiriisku waxay keentay dhul gariir siyaasadeed oo dad badan lama filaan iyo amakaag ku noqday. Xisbiga asal raaca (muxaafidiinta) ee raiisal wasaare Johnson ayaa helay gushii ugu waynayd ee ay helaan muddo ka badan 30 sano (Guushii 1987 ee marwo Thatcher ka dib). Xisbiga siyaasad ahaan xagga bidixda ka yar xiga ee lagu magacaabo xisbiga shaqaalaha waxa ku dhacay jabkii ugu waynaa ee muddo 80 sanadood ah soo gaadha.  Waqti ay dadka Ingiriisku aad u qaybsan yihiin. Waxana dadka qaybiyey arrinta rabitaanka ka bixidda Midowga  Yurub.

Suaashu waa:  Maxaa mideeyey dadkii sida xun u qaybsanaa ee dhinaca xisbigaa guulaystay u wada jeediyey? Muddo 4 sano ku dhawaad ka hor ayay dadku aqlibiyad yar ugu codeeyeen in midowga Yurub ka baxaan. Iyadoo Yurub aad iyo aad iskugu xidhan oo dhinac walba isku tiirsan: xag dhaqaale, siyaasad iyo ammaanka iyo nabadgelyadaba. Waxa gorgortan dheer laga galay sidii loo furfuri lahaa xadhkahaa Yurub iyo Ingiriiska isku xidhxidhaayay. Mana aha arrin fudud waa arrimo u baahan in laga heshiiyo. Dhinaca midowga Yurub waxa ka odayaynayay hoggaamiyayaal mayal adag oo raba inay Ingiriiska cashar adag u dhigaan si ay ugu cimro qaataan ciddii kale ee guux goosasho ku jiro. Arrinta kale ee looga jimcin waayay Ingiriiska waxay ahayd, iyadoo la ogyahay qaybsanaanta siyaasadeed ee Ingiriiska. Oo la rajaynaynay haddii cagta lagu sii hayo, in Ingiriiska mar 2aad afti laga qaadi doono oo markan dadka Yurub rabaa guulaysan doonaan. Arrintan ku jiq siidu waxay Ingiriiska ka galaafatay 3 xukuumadood iyo 2 raiisal wasaare.
Dadka Ingiriisku waxay khaati ka joogsadeen muranka badan ee xisbiyada oo arrintoodu noqotay is jiid-jiidasho iyo gacmo daalis. Waxaad ku qiyaasi kartaa xaaladda xisbiyada dalkeena.
Ololihii doorashadan raiisal wasaare Johnson  wuxuu ku galay mowqif cad, oo uu ku cabbiray hal-ku-dheg fudud. Halka xisbiga shaqaalaha aanu moqifkiisa ku saabsan, ka bixidda midowga Yurub, uuna caddayn. Hoggaamiyaha xisbigani mr. Jeremy Corbyn wax uu rabo iyo wax u diiddan yahay, dadku way fahmi waayeen; wuxuu noqday Cirraha (guddoomiyaha xisbiga waddani ee Somaliland) oo kale. Dadku sii ay uga gudbaan murankan badan ee xisbiyada waxay u jahaysteen oo ay u codeeyeen hal xisbi oo mowqifkiisa caddeeyey. Dad aan ab ka ab aan xisbiga muxaafidka ah u codayn ayaa markan u codeeyey. Arrintan oo wadno gariir ku ridday hoggaamiyayaashii Yurubta kale ee ku macangaga ah midnimada Yurub.
Arrintan Johnson waa inay mdxwayne Muuse iyo baarlamaanku ku daydaan oo ay furaan ururada siyaasadda si ay xisbiyo badani ugu tartamaan doorashada.
ALLA maanta shicibka Somaliland cashar bay u dhigi lahaayeen 2dan xisbi-mucaarid ee qabiilka isku bahaystay, ee dhaqanka ka dhigtay cayda iyo ceebaynta qaranka Somaliland. Waana fursad cashar loogu dhigi lahaa xisbi kasta oo dan qabiil ama shaqsiyeed ka hormariyey danta guud iyo qaddiyadda Somaliland.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker