Soo dhaweynta Xoghayaha DHH iyo Codsi Ku Socda Ku-Xigeenka Duqa Caasimadda W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr)

Soo dhaweynta Xoghayaha DHH iyo Codsi Ku Socda Ku-Xigeenka Duqa Caasimadda.

Waxan maanta soo dhaweynayaa Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ahna Xoghayaha Golaha Degaanka Md Ahmed Yoonis Juxa oo iskii u doorbiday in uu ka mid noqdo jaalka aanu halkan saaxiibka ka nahay. Waxa uu u muuqdaa masuul u bisil naqdiga, toosinta iyo aragti-dhiibashada.

Dhanka kale, aniga iyo Mawliid Muuse Dacar waxa aanu ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Md Cabdicasiis Maxamed Xaashi ka codsanaynnaa in uu naga qaado xayiraadda uu na saaray ee Facebook, si aanu ula soconno war-murtiyeedkiisa, shirarka jaraaid, qoraallada caynba caynka ah iyo hawraarta uu tebinayo. Runtii ma aannu gelin gef na loo xannibo.

In aanu la soconno maaweelada siyaasiyiintu waa qayb madaadaallada ka mid ah, arrinkaas waxa ergo ka ah Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela iyo Yusuf Kayse Abdi Laahi. Haddii kalena yaanu Maayar-ku-xigeenku soo dhegaysan ama loo sheegin eedaha aanu sida gaarka ah uga gudbin doonno, illeen haddii uu nagu xadgudbay, xaq ayaannu u leennahay in aanu qof ahaan si uun uga warcelinno insha Allah..

 

Cunaqabadka waanu aqbali, cambaaraynta ha loo kal-samaado.

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker