Somaliland oo Wakiilka QM ee Somaliland iyo Somalia Ku Eedaysay inuu Qorshaynayo inay Somalia ka Qabsoonto Doorasho ay qeyb ka tahay Somaliland

Hargeysa (OWN) – Xukuumada Somaliland ayaa Shaacisay in wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Somalilland  uu ka shaqeynayo Nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa soo Saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey, kuna Cambaareeyey qorshahaas iyo hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

 

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan   soo saaray  Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. James Swan oo sheegay in Xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha  geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto.

 

Hadalkaasi maaha mid saamanaya Xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda Siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka.Qoraalka wasiir Koore ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud

 

“uu ka hor imanayaa Qaramada Midoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.”

Somaliland ayaa sheegtay in war-saxaafadeedkii James Swan ay u aragto “daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda.”

 

“Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qaramada Midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada,” ayuu wasiir Koore ku yiri qoraalkiisa.

 

Koore ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada James Swan “ay waxyeeli  doonto himiladii laga qabay  dib u bilaabista wadahadalada  beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Soomaaliya.”

Hoos ka aqriso bayaanka wasiir Koore

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker