Maxaad ka taqaan cudurka dilaaga ah ee dunida laga xuso maanta oo kale?

Maanta oo kale (1-da December) waxaa dunida oo dhan laga hadlaa wacyiginta cudurka HIV/AIDS.

HIV/AIDS waxaa cudur dilaa ah, kana mid ah cudurada faafa ee aadnaha ku dhaca, wuxuuna leeyahay daawo uu qof la noolayn karo muddo dheer, hadii uu isticmaalo.

Lama hayo tiro sugan oo sheegaysa dadka dunida la nool caabuqa HIV/AIDS, balse waxaa lagu qiyaasaa 40 Milyan oo badan kood ku nool qaarada Afrika.

Waxaa la sheegay in sanadkii la soo dhasfay 2018, hal Milyan iyo todobo boqol oo qof ay qaadeen cudurkan, halka tirada carruurta qabta lagu sheegay 17 Milyan.

Inkastoo galmadu tahay sida ugu badan ee leysugu gudbiyo cudurkan, hadana waxaa jira siyaabo kale oo loo kala qaado oo ay ka mid tahay qalabka qaliinka oo aan nadiif ahayn iyo cirbadaha iyo sakiimaha la wada isticmaalo.

Barnaamijyada looga hadlo HIV/AIDS, waxaa jira hannaan loo tabiyo, si aan wax loogu dhimin sumcadda iyo kalsoonida dadka la nool cudurkan, oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

Soomaalida kuma badna dadka qaba caabuqa HIV/AIDS, balse tirada yar ee qabta waxay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyin kale.

Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa maanta laga xusay maalinta HIV/AIDS ee 1-da December.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker