Daawo: Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saaray Dilkii Almas Elman

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo goor-dambe oo xalay  hadlay dilka Almaas Elman islamarkaasna  sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta CID ay furtay gal-dacwadeed ay ka qeybgali doonaan saraakiil badan oo khibrad u leh baarista noocaan oo kale ah.

Allaha u naxariistee Almaas Elman ayaa maanta galinkii dambe gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xabad ku dhacday ugu geeriyootay.

Almaas oo la sheegay in ay la shaqeyneysay xafiiska xiidhiidhka iyo isgaadhsiinta ee Midowga Yurub waxaa xabadu ku dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay wadada isku xidha Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya amniga xerada Xalane ee lagu toogtay Almaas Elman.

Almaas xiliga xabadu ku dhacday waxaa gaadhiga la saarnaa Said Fadhaye oo ah Wariye madax bannaan, wuxuuna daqiiqado kadib bartiisa facebook-ga ku soo qoray in uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday isaga iyo Almaas oo uu sheegay in ay dhabtiisa ku geeriyootay.

 

Said Fadhaye iyo darawalkii gaadhiga waday ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, saacado ka dibna waa la siidaayey.

Almaas Elman ayey walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo ah gabadh u ololeysa nabadda, sanadkana ku jirtay dadkii loo sharaxay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Price.

 

Qoyska Almaas ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay Aabahooda Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-dii lagu dilay magaalada Muqdisho.

Marxuumad: Almaas Elman

Daawo: Warka Police-ka ee Dilka Elman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker