Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka gobolka Mudug Ee Puntland Oo Xalay La Dilay

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii xalay  lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland.

Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee   Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.

 

Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyaha ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan, kuwaasi oo goobta isaga cararay.

 

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageerta waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.

Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker