Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo shaqada ka joojisay laba ka mid ah hay’adaha ka howl-gala Soomaaliya

Muqdisho (OWN) – Wasiirka warfaafainta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

 

Wareegto uu ku Saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hay’adood

 

Sababaha shaqada looga hakiyey labada hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Labada warqadood ee lagu kala ceyriyey labada hay’adood si

faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee horseeday inay jebiyaan xeerkii wasaaradda.

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan Arrimo la Xidhiidha dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker