China Oo Bilaabaya Dibu-dhiska Wadada Garoowe Iyo Laascaanood Oo M/Deni Dhagax-dhigay.(Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax higay Mashruuca Dayactirka Wadada isku Xidha Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku Xidha Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.

Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.

Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku Xidha Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku Xidha Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland:

“Runtii maanta waxay noo tahay farxad inuu billaabanayo Mashruuca Wadada (Boosaaso-Garoowe) iyo (Garoowe-Laascaanood) oo aan rajeynayno intii ka googo’day wadada in lagu sameynayo dayactir mug-weyn oo aan rajeynayno in ay wadada sidii si ku dhow ay kusoo noqoto. Waa mashaariicda halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, kaabayaasha ugu muhiimsana ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker