Faaqidaada: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood

Madaxwayne Muuse Biixi :- Wadanka Jabuuti Waa Walaalkayaga Koowaad Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Waa Madaxwaynaha Ugu Qiimaha Badan Qaaradda Afrika Wuxuu Somaliland La Jecel Yahay Horumar Iyo Aqoonsi.
Shacabwaynaha Somaliland :- Jabuuti Waa Cadoowga Koowaad Ee Somaliland Leedahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Iyo Madaxwaynihii Hore Ee Ka Horeeyey Labadooduba Waa Cadoowgeena Koowaad Waxayna Nagaga Xun Yihiin Wadanka Soomaaliya Ee  Aanu Kula Midoownay Wadankayagii Xoriyadda Qaatay 26 June 1960.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele :- Wadankeena Jabuuti Wuxuu Ka Faaidaystay Dagaaladdii Dhexmaray Eriteriya Iyo Itoobiya Labaatankii Sano Ee U Dambeeyey Jabuuti Waxay Gaadhay Horumar Aad U Balaadhan Oo Waxaa Ganacsigoodii Inoola Soo Wareegay 100% Wadanka Itoobiya Oo Aan Xeeb Ama Bad Lahayn !!!!, Jabuuti Wadan Jira Noqon Mayso Haddii Aanay Albaabkasta Ka Soo Xidhin Somaliland Oo Caalamka Ka Sugaysa Aqoonsi Caalamiya !!!!!.
Madaxwayne Alpha Conde :- AlXamdulillaah Waa Allaah Mahadii Mar Haddii Uu Wadankeena Gini Conakry Inoogu Yimi
Madaxwaynaha Somaliland Oo Caalamka Muddo 28 Sano Aqoonsi  Ka Sugayeen Wadamadda Afrika, Yurub, Carabta, Laatiin Ameerika Iyo Wadanka Maraykanka !!!!, Somaliland Aqoonsi Buuxa Wakhti Hore Ayay Heli Lahaayeenee Waxaa Ku Dhegan Wadankii Soomaaliya Ee Ay Midoobeen Oo Aan Laga War Hayn Goorta Wadankaasi Xoroobi Doono Oo Soomaaliya Oo Xor Ah Ay Wada Hadlaan Somaliland Oo 28 Sano Dawlad Ahayd Caalamkana Ka Sugaysay Aqoonsi Caalamiya Balse Diidmada Soomaaliya Diidayso Inay Aqoonsato Wadankii Ay Midoobeen Waxaa Ka Dambeeya Wadamo U Haysta In Allaah(Swt) Riziqooda U Soo Mariyay Webiga Niil Iyo Wadan Dadkiisu Leeg Yihiin Xaafad Somaliland Ku Taala Oo Tirada Dadkooda Lagu Qiyaaso 300,000 Kun Sadex Boqol Oo Kun !!!!!.
Madaxwaynaha Gini Oo Hadalkiisa Sii Wata Kkkkkkkkkkkk Wuxuu Yidhi Isagoo Qoslaya Riyo Haddii Ay Dib Leeyihiin Dabadooda Ayay Ku Qarsan Lahaayeen Waxaan Idaacadaha Caalamka Ka Maqlayay Wadan Aanaanu Safaarad Ku Lahayn Yaguna Wadankayaga Safaarad Ku Lahayn Oo Ku Hadaaqaya Wadanka Gini Xidhiidhkii Ayaanu U Jarnay, Qoladaas Waxaan Odhan Lahaa Markaad Ka Xoroowdaan Ciidamadda Amisom Ee Amaankiina Sugaya Iyo Ururka Al Shabaab Ayaynu Wada Hadli Karaynaa Kkkkkkkk.
Madaxwayne Muxammad Farmaajo :- Wadankeenu Dawlad Noqon Maayo Oo Degi Maayo Sababtoo Ah Dawladdo Badan Ayaa Dhaqaale Iyo Hub Ku Bixinaya Sidii Soomaaliya Aanay Cagaheeda Isku Taagin Oo Loo Cabiidiyo Itoobiya Iyo Kenya.
Madaxwayne Muuse Biixi:- Shacabwaynaha Somaliland Waxaan Ugu Busharaynayaa Madaxwaynaha Aynu Walaalka Nahay Ee Wadanka Gini Inaan Idiinka Sido Bushaaro Wanaagsan Oo Shirka Midoowga Afrika Uu Hor Dhigi Doono Qadiyadda Somaliland.
Shacabwaynaha Somaliland :- Waar Qoladan Soomaaliya Ee Xaarku Dareerayo Ee 5 Km Ciidamadda Amisom Ku ILaaliyaan Maxaa Ina Daba Dhigay Ee Cadaawada Intan Leeg Ku Kelifay Mise Ismaaciil Cumar Geele Ayaa Ka Dhex Hadlaya Oo Leh Aniguna Si Hoose Ayaan Ugu Qaylinayaa Somaliland Idinkuna Qayladiina Kor U Qaada.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar:- Muddo Sadex Habeena Maan Seexan Cadhadii Aan Ka Qaaday Madaxwaynaha Gini Conakry Ee Madaxwayne Muuse Biixi U Soo Dhoweeyey Sidii Wadan La Aqoonsan Yahay, Waxaan Ku Sigtay Inaan Tv ? Jebiyo, In Dhiigkar Igu Dhaco Iyo Inaan Kiniin Badan Oo Hurdada Ah Aan Liqo Si Aan Todobaad Uga Hurdo Idaacadaha, Tv-yadda Iyo Telefoonada Naxdinta Leh Ee igu Soo Dhacaya !!!!!!,
Balse Waxaan Nidar Ku Galay Inaan Marka Hore U Yeedho Muuse Biixi Oo Aan Isku Sawiro, Hadalo Dhalanteed Ahna Aan U Dhiibo Oo Aan Idhaahdo Aqoonsiga Waxaan Kaaga Soo Dhamaynayaa Madaxwayne Farmaajo, Waa Inaad Ka Baxdid Marti Qaadka  Aad Ugu Balan Qaaday Madaxwaynaha Gini Inuu Caasimadda Somaliland Yimaado !!!!!!!!!.
Madaxwayne Muxammad Farmaajo:- AlXamdulillaah Allaah(Swt) Ayaa iiga Caafimaadiyay Sixirkii Uu i Cabsiiyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele,
 Markii La ii Doortay Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Booqashadii Aan Ku Tegay Jabuuti !!!!!, Sanad Ku Dhowaad Ayaan Maxbuus U Ahaa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Isagoo Wadan Yar Oo Aneeya Dadkiisuna Yar Yahay Haddana Caqligiisa Doonaya Sida Caruurta Inuu Kuu Maamulo Adigoo Madaxwayne Ah Oo Wadan Balaadhan Xukuma !!!!!!!.
Madaxwayne Biixi:- Waar Kursigani Kadeed Badanaa Oo Dhib Badanaa Wadanka Gudihiisana Waxaa iigaga Furmay Mucaarado Tii Ugu Waynayd Oo Ay Ugu Horeeyaan Masuuliyiintii Xukuumaddii Axmad Siilaanyo, Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, Masuuliyiinta Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye, Masuuliyiinta Golaha Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye, Labadda Xisbi Mucaarad Wadani, Ucid, Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay, Beelaha Somaliland, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka, Abwaanada, Saxaafadda Madaxa Banaan, Bahda Qorayaasha, Xildhibaanadda, Colaadaha Bariga, Colaadaha Galbeedka, Farmaajo Iyo Ismaaciil Cumar Geele Oo Siyaasadii Arrimaha Dibadda Iga Soo Xidhay, Madaxwaynayaashii Hore CabdulRaxmaan Tuur Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Daahir Rayaale Kaahin, Axmad Siilaanyo Waxay Lahaayeen Wasiiro Miisaan Leh Oo Wada Socda Oo Aqoon Durugsan Leh, Oo Go’aan Leh, Oo Af Tahaniin Ah, Ku Dhacna Leh, Rakaab Xumadani Xagee Bay igaga Timi, Mise Madaxwaynayaashii iiga Horeeyay Ee Aan Kaga Naxsanayay Ayaa iinkaar igaga Tagay Oo Waxaan U Baahanahay Kuwooda Nool Inaan idhaahdo i Saamaxa iina Duceeya, Kuwooda Dhintayna Sadaqatul Jaariya U Bixiyo Insha Allaah, Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelana Biyaha Falka Ah Ee Uu i Cabsiiyayna Waa Inaan Culimaaudiinka Somaliland Kuwooda Karaamada Leh idhaahdo Quraan Ha Lay Saaro Si Aan U Caafimaado Insha Allaah.
La Soco Qaybaha Dambe Oo Aynu Ku Soo Qaadanayno Afarta Madaxwayne Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker