Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Berbera.

1Ugu yaraan 10  qof ayaa ku dhintay  17 kalena waa ku dhaawacmeen shil gaadhi oo galabta ka dhacay Kantaroolka Barri ee  magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midkood ahaa gawaadhida qaadka qaada, halka gaadhiga kalena ahaa gaadhi nooha ah oo  siday  dad tahriibeyaal ah oo kasoo jeeda qoomiyadda Oromadda ee dalka Ethiopia degta.

 

Iyada oo dadka shilkan gaadhi  ku dhintay ay u badnaayeen dadkaas  kasoo jeeda qoomiyadda Oromadda , kuwaas oo kusii jeeday magaaladda Boosaaso oo ay doonayeen in ay  kasii tahriibaan, sida ay qaarkood u sheegeen  .

 

Dadkii shilkan ku dhintay ayaa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera, iyada oo dadkii dhaawaca ahaana lagu daweynayao  cisbitaalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker