Daawo Dayaarad Ay Leedahay Shirkadda Itoobiyaan Airlines Oo Qiiqday Dagdagna Loo Fadhiisiyey Garoonka Magaalada Dakaar ee Dalka Senegal

Daawo Dayaarad Ay Leedahay Itoobiya Oo Qiiqaday Dagdagna Loo Fadhiisiyey

 

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa lagu qasbay in si deg deg ah ay ugu degto madaarka diyaaradaha magaalada Dakaar kadib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada uu dab ka Kacay.
Afhayeenka garoomada Senagal Tidiane Tamba, ayaa sheegay in duuliyaha diyaarada oo nooceedu yahay Boeing 767 uu codsaday in uu dib u soo caga dhigto garoonka, taasi oo markii ku wajahneyd magaalada caasimada ah ee Adiss Ababa.
Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya ayaa dhanka kale xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda ay ku timid cilad dhanka farsamada dibna ay ugu laabatay garoonka ay markii hore ka soo Duushay.
Itoobiya ayaa dhanka kale ka gaabsatay waxa ay tahay ciladaan qabsatay diyaaradeeda, inkastoo ay sheegtay in ay badqabaan dhamaan rakaabka Saarnaa.
Arintaan ka dhacday magaalada Dakar ayaa imaaneysa kadib markii ay burburtay bishii Maarso ee sanadkaan diyaarad ay leedahay Itoobiya oo nooceedu ahaa Boeing 737 MAX.
Diyaarada oo daqiiqado uun waqtigaas ka duushay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku dhintay 157 qof oo rakaab ah iyo shaqaalihii Diyaarada.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker