Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay kiiska Ciise Tarabuun oo Dawlada Kenya ay ku Haysato Kiis dhanka Argagixisada ah

Muqdisho-(OWN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise Tarabuun, kaas oo booliska dalka Kenya ay shaaciyeen inuu gudaha u galay Dalkooda.

 

.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Ciise Tarabuun uu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ayada oo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale uu 19-kii June shaaca ka qaaday in laga soo qabtay suuqa Bakaaraha.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo lagaga  hadlayay arrinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed.

 

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xidhay eedo la Xidhiidha a Argagixisnimo ay dacwaddiisana ay qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.

“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo, Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday  dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq.

“Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in  Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliya”ayaa lagu yiri war caawa kasoo baxay dowladda.

Warka wasaaradda ayaa waafaqsan kii goor sii horreysay oo shalay ahayd  ay shaacisay habkii Ciise lagu sii daayey iyo sida uu uga dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

HALKAN HOOSE KA AKHRI Warbixintii ay soo saartay Dawladda Federaalka Ah ee Soamlia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker