Akhriso: Ururka Midowga Afrika oo Bayaaan kasoo saaray ‘muranka’ badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Addis Ababa (OWN) – Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Ururka midowga Africa ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku baaqay in xal laga gaadho muranka dhinaca soohdinta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka golahan ayaa waxaa uu ka dalbaday dhincyada Soomaaliya iyo Kenya si nabad iyo wada-hadal ah lagu xaliyo muranka xudduuda Badda ee labada dal.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Ergey gaar ah oo dhinacyada kala shaqeeya sidii loo heli lahaa degenaansho, xal nabdoon, wadatashi iyo wada shaqeynta qaababka gobolka la xiriira

Warkan ka soo baxay Golaha Amniga midowga Africa ayaa ku soo beegmay xili Maxkamada Cadaallada ICJ ay muddo Labo bilood ah dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Labada dal.

Tallaabada golaha ayaa muujineysa in Kenya horey usii ogeyd go’aankan marka la eego inay horey u codsatay in kiiska maxkamadda dib loo dhigo, taasi oo ay ku guuleysatay, waxana muuqata inay dooneyso inay ka faa’iideysato faro-gelinta Midowga Afrika.

Hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Africa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker