Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?

Horaamihii bishii August 2019 ayey ahayd markii raysal wasaare ku-xigeenka Dawladda Federalka Somalia (DFS) uu soo jeedidiyey in dadweynaha Somaliland laga qaado afti khusaysa gooni-isu-taagga. Arrintaas wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed M Diriye, ayaa jawaab gacan-sayr iyo aflgaaddo isugu jirta ka bixiyey.

Inkastoo aanay ahayn afti qaadistu siyaasadda rasmiga ah ee DFS, haddana waxay ahayd fursad dahabi ah oo saxan loo soo saaray Somaliland. Aftidu ma aha hawl-gal sahlan oo lagu degdego, mana soo saarto maxsuul raali geliya dadka oodhan. Tusaale ahaan aftidii ka dhacday Ingiriiska bishii June 2016, murankeedii weli, saddex sanno ka dib waa socdaa. Dalka Colombia-na, heshiiskii nabadda eel lala galay jabhadd FARC, isla sannadkaas bishii October, codeeyeyaashu diidmo ayey ka hor-keeneen.

Haddaba doodda Somaliland waa 18kii May 1991 shirkii beelaha ee Burco ka dhacay waxa la isku raacay in Somaliand ka madax-banaanaato Xamar, xarunta qaranimada jamhuriyah Somaliyah, ee dhalatay 1da July 1960kii. Waxa kale oo ay dooddaas raaciyaan in sannadkii 2001, dadweyanha ku nool Somaliland (waqooyiga Somalia) in 97% ugu codeeyeen dastuurka Somaliland. Taas oo u dhacaysa looma baahna afti kale.

Hase yeshee marna dadka toos looma weydiin su’aal goonideed u taagan oo si gaar ah u khusaysa in gobollada waqooyi/Somaliliand ay ka baxaan Somalia. Sideedaba haddii gobollo dal ka tirsani ay rabaan inay ay qaranimada dalkaa ka baxaan waa in ay dawladda dhexe isla oggoladaan qabsoomidda afti laga qaado dadka, iyagoo weli ka mid ah dalkii. Mowwqifka Somaliland, ee ilaa hadda, waa: hadal lama gelin karo gooni isu-taagga 18kii May 1991.

Taas ayaa keenta in lagu tilmaansado dawladda is-keed ugu dhawaaqday madax-banaanida, waayo dhinacii kale oggolaansho lagama helin. Tusaale ahaan dalka South Sudan waxa aftida laga qaaday 2011, taas oo daba-socotay heshiiskii nabadeed ee 2005 ee jabhaddii SPLM/A iyo dawladda Sudan dhexmaray. Heshiiskaas ka dib, 6 sanno ayey South Sudan iyo Sudan sii wada joogeen; ilaa intii afti laga qaadayey.

Sidoo kale Jabhaddii EPRDF ee qabsatay gobollada Eritrea oodhan, sannadkii 1991, waxay xornimo ku dhawaaqoodii sugayeen ilaa inta ay ka dhacaysay aftidii guud ee 1993. Sidaas ayey Ethiopia kaga go’een. Sida labadaa tusaale ee kore ku cad habraaca caalamiga ah iyo waayo-aragnimada mandaqadda aynu kuu noolnahay ee Geeska Afrika, waa in marka hore la helo is-af-garadka iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee ay khusayso.

Nasiib darro, hadda, Somaliland ma oggola inay dib ugu soo noqoto, haba-yaatee, xayndaabka jamahuriyah Somaliyah (DFS), taas oo meesha ka tuuraysaa in la helo afti labada dhinac si siman u wada qaban-qaabiyaan. Aftida lagu kala tegayo waxa shardi u ah qiraalka in Somaliland weli hoos timaado qaranimada Somalia.

Ogow beesha caalamku waxay Hargeysa u tilmaantay in ictitraafku yaalo Xamar, oo aanay meel kale ka raadin. Somaliland-na midkaa way aqbashay; wadahadalllada Somaliland iyo Somalia-na halkaas ayey ka soo alkunmeen. Kolkaa su’aashu waa haddii aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay raacdo dariiqaas,, ku guryo-noqodka xayndaabka Somalia, waa sidee hanaanka kale ee afti lagu hanan karaa? Jawaab u ma hayo su’aashaas; laakiin mowqifka Somaliland waa Xamar ha ku dhawaaqdo, shuruud la’aan, inay aqoonsatay madax-banaanidayada.

Jawaabta Xamar-na waa sahal: “ha ku naaloon”. Siday aniga ila tahay: dawga saxa ah ee afti loo mari karaa waa Somaliland oo ku soo laabata xayndaabka qaranimda, ilaa inta taas laga helayana, Somaliland, siyaasiyan, sanduuq bay ku jirtaa. Alloow sahal amuuraha.

 

Wa bilahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed London,

UK maxamuudaxmed@live.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker