Dabley Gaadhi Kuqafaalatey Degaanka Godcaanood ee Koonfur galbeed Ceerigaabo

 

 

Ceerigaabo(OWN) Koox dhallinyaro dabley hubaysan ah ayaa maanta baabuur nooca looyaqaanno Landcruiser ah waxay ku qafaasheen degaanka Cadayyo  oo ah Aagga Tuulada Godcaanood oo qiyaastii lixdaneeyp KM jahada koonfur galbeed kaga beegan magaalada Ceerigaabo

 

Gaadhigan oo sida lasheegay u kiraysnaa hay’adda Care ayaa xanbaarsanaa xog si wada jir ah ay usoo ururiyeen hawlwadeenno isugu jirey hay’adda Care iyo shirkadda Telesom oo kusaabsan mashruuca raashinka farsaarka loo yaqaanno lagu siiyo dadka baadiyaha kudhaqan, baabuurkaas iyo xogtaas saarnayd oo dableydaasi isku kaxaysteen, halka hawl-wadeennadii saarnaa gaadhigaas oo isugu jirey labo shaqaalaha hay’adda CARE ah iyo laba shaqaalaha shirkadda Telesom ah dableydaasi ka dejiyeen baabuurkaas balse aanay waxba u geysan hawl-wadeennadaas.

 

Dhinaca kalena muddooyinka ugu danbeeyey waxa soo kordhaysa budhcadda hubaysan oo gawaadhiga u  gelaysa degaannada galbeedka Ceerigaabo  ee ay marto ama ka agdhow waddada isku xidha degmooyinka Ceelafweyn iyo Ceerigaabo kuwaasoo dhawr jeer gaadiid degaannadaas marayey siiba gawaadhida Jaadka sidda kala degey Jaad iyo lacag iwm, waxana haddii ay sii socoto arrintani u muuqataa mid bulshada dib ugu celin karta dhaqanno hore dhibaatooyin waaweyn loogasoo dhaxlay oo wiiqi kara arrimaha nabadgelyada iyo isusocodka bulshada.

 

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker