MAALINTA QADHAADH IYO GARASHO QIIMEEDKA

runtii maalinta qadhaadh dad waxay kaga gudbaan , cataw iyo calalyhow iyo calool xumo , balse kuwa guuleystay waxay kaga gudbaan calool adayg, cabasho la aan iyo cir- dhaan, ama yool yagleelid,
hadaba noolaha sida qundhaanjada noqo mid fooftagta wakhtiga adagna sameysta dhigaal iyo dheeman u kaydsan,u Noqo jiilkaga hogaamiye tolmoon aan caadifadeysneyn,una hayaami.dibirsanaani ka muuqato,
Noqo mid aamusan, hal beeg leh, oo hawl yar, hadana hawshoon. hana noqon mid quusta kobkasta iyo kolkasta ,ma jiro guul daro aanad gaadhin cid ku gaadhsiin kartaa, balse guusha waa halbeeg tilmaam iyo tacab leh, guuldarada ha aqbalin balse guushada waad aqbali kartaa.
dad badan waxay qabaan in guuladaradu guusha gaadho , balse taasi lidkeeda waxaan qabaa in ay guushu dheerto wadooyin badana loo maro balse aanay ahayn, guul daro , in aad qaadato .
hadaba yeelo halbeeg dhaba, hana iibsan dhuuxaga iyo dheemanimadada , ha u dhiibin naftada cidna si ay ugu ciyaaraan, u gal halgan dheer , doonista dhabta ah, ee naftada, noloshaada iyo nolosha dadkaga , una rumee si ay kuwii ka horeeyey u rumeeyeen si ka duwan iyo si kasta ood ku gaadhi karto,
Qore: SirMohamud Hussein Awliyo
mohoud.amin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker