Liiska Magalooyinka Ugu Amniga Badan Dulida Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Kaalinta Ay Muqdisho Gashay.

Waxa lagu dhawaaqay magaalada ugu nabada badan aduunka ee loo dalxiis tago isla markaana lagu noolaan karo, waxana mar kale guul ka soo haysay Magaalada Tokyo ee caasamada dalka Japan.

60 magaalo oo dunida ah ayaa cilmi baadhis dhinaca xasiloonida iyo ku noolaasha ah amaba dalxiisayaasha ah ay ka qaadeen Daraasaddan,

Hadaba Machadka la yidhaahdo The Economist Intelligence Unit’s 2019 Safe Cities Index (SCI), waxana cilmi baadhistan diirada lagu saarayay magaalooyinka la waraystay nabadgelyadooda suganaanshaha internetka, amniga caafimaadka, kaabayaashanolosha iyo amaanka shaqsiyaadka u dalxiiska taga ama ku nool.

Liiskan ayaa waxa kaalinta koowaad ka gashay Magaalada Tokyo oo ah magaalada ugu dadka badan dunida waxayna heshay 92.0 dhibcood oo ka mid 100kii dhibcood ee loo baahnaa.

Magaalada Singapure ayaa gashay kaalinta labaad waxana ay heshay 91.5 dhibcood, halka magaalo kale oo ku taala dalka Japan oo la yidhaa Osaka ay gashay kaalinta 3aad isla markaana ay heshay 90.9 dhibcood.

Dhinaca Magaalooyinka qaarada Yurub waxa kaalinta 4aad gashay magaalada Amsterdam ee dalka Holand, halka ay Magaalada Copenhagen ee dalka Sweden ka gashay kaalinta 8aad.

Dhinaca waqooyiga Maraykanka waxa tartanka soo galay oo kaliya magaalooyinka Toronto oo dakna Canada ah oo fadhiisatay kaalinta 6aad iyo caasimada Maraykanka ee Washington DC oo gashay kaalinta 7aad.

Dhinaca Africa iyo dunida soo koraysa warbixintu waxa ay sheegtay in ay qirsan tahay in aanay qani ku ahayn waxwaabo badan oo looga baahnaa magaalooyinka aduunka ugu amniga badan ee la qiimeeyay, waxana liiska halka ugu hoosaysa ka gashay—kaalinta 60aad—magaalada Lagos ee dalka Nigeria, oo heshay 38.1. dhibcood. Waxana liiska magaalooyinka ugu dambeeyay ka mid ah Magaalada Caracas ee caasimada dalka Venezuela, magaalada Yangon ee dalka Myanmar, magaalada Karachi ee dalka Pakistan iyo magaalada Dhaka ee caasimada u ah wadanka Bangladesh.

Magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ku guuldaraysatay in ay marka horaba tartanto, taasi oo la micno ah in ay buuxin wayday shuruudihii tartanka magaalda ugu amniga badan dunida, loona aqoonsan yahay magaalo aan amni ahayn oo aanay ka suurto galayn in cilmi-baadhis noocan oo kale ah laga sameeyao.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker