Soomaliland waa muqadis” Ciidanka qaranku waa udub dhexaadka soomaliland)

Soomaliland waxay maanta ku sii dhaceysaa god madow hadii aan sidan hogaaminta Muuse Biixi wax ka bedelin. Durtaba waxaa soo ifbaxay in shaki badani hadheeyey shacabkii iyo ganacsatadii muwaadinkastaana saluug sanyahay hogaaminta xisbiga kulmiye.

Hogaamiye kasta oo dalkan maruun madaxwayne ka noqdaa waxa markasta udub dhexaad u ahaan jirtey inaan soomaliland la kala qoqobin oo aan la kala tafaariiqeyn madaxwayne kastaana wuxuu ku dedaali jirey soomaliland mida barri ilaa galbeed.

Doorashadii dhacday sanadkii “2017” waxay noqotay mid riiq nac kala dil umadeed iyo shaki badan galisay shacabkii walaalaha ahaa ee marka doorashadu dhacdo siday doonto haw dhacdee gacmaha is qabsan jirey.

Soomaliland iney maanta sidan u kala dhaqaaqdo oo sansaantii beri ina soo martay leedheedii ina soo heyso waxaa masuul ka ah Madaxwaynaha talada haya Muuse Biixi. kuma dedaalin dhexdana uma xidhan dadkii uu afkiisa doorashadii ku kala qeybiyey inuu dib u, urursho.

Madaxwayne Biixi hogaamintiisii waxay noqotey mid jar iska xoornimo ah madaxwaynuhu garowshiyo ma sameyn oo isma odhan boogihii doorashadii diirku ka qaadmay dhay. Quluubtii shacbiga ee aad kala jeedisay isu soo jeedi kuma fikirin. Wuxuu madaxwaynuhu hore u sii ambo qaaday siyaasadii kaambeynkiisa uu ku galay.

Hogaamiye kasta oo jamhuuriyada soo hogaamiyey labada erey ee uu adeegsan jirey waxay ahaayeen (Soomaliland waa muqadis” Ciidanka qaranku waa udub dhexaadka soomaliland) labadaa halku dhig madaxwayne midna maad adeegsan markii aad tallada dalka gacanta ku qabateyna waxaad bilowday inaad soomaliland kala dhisho oo maalinba miiq sii xuub siibanaaya la arko.

Waxaa shalay warbaahinta la hadlay oo waliba si guracan oo qaawan u hadlay janankii ciidanka qaranka Nuux Taani. Madaxwayne marka la eego Nuux hadalkiisu fajac iyo amakaag buu shacbi waynihii soomaliland ku noqday. Soomaliland waa la kala midabeeyey.
Madaxwayne hadalkaa ka soo yeedhay igmanaha kuu qaabilsan jenenka ciidanka qaranka kamaad fall-celin shacabkana kamaad raali galin aamusnaantaa xukuumadaadu qaadatay waa mid cadeyneysa hadalka ka soo yeedhay jananka inaad kula socotay.

Nuux Taani wuxuu aflagaado qaawan oo damiir taabada ku weeraray dad reer soomaliland oo muwaadiniina. Wuu dadafeeyey oo wuxuu yidhi “awalba waxba may tareyn oo lacag bilaasha ayay qaadan jireen” hadalka sidan u dhigan waa mid qadow ku ah shacabka reer badhan. Haday lacagta qaadan jireen maanay cashuurtoodii ahayn ciidanka maalinkasta amaanka magaalada badhan sugi jirey aamaney ciidankan ahayn. Ma cidkalaa amaanka magaaladaa ilaalin jirtey?

Hadalkii ka soo yeedhay janeraal Nuux taani wuxuu dhaawac weyn u geystay qaranimada soomaliland dawladnimadii aynu soo dhadhabeynay mudadaa sodonka sano ku dhow waxaa kala daadiyey nuux taani. Madaxwayne waxaa la eegayaa sida aad ula xisaabtanto nuux taani.

 

Qore Cadhod badar Cdhod

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker