Haweenay Ka Mid Aheyd Xujaajtii Dalka Suuriya Oo Makkah Ku Ummushay Afar Carruur Ah Oo Mataano Ah

Haweenay u dhalatay Dalka Suuriya kana mid ahayd Xujaajtii ka soo xajiyey Dalkaasi ayaa waxa ay dhakhtar ku yaalla Magaalada Makka waxay ku ummushay afar carruura oo mataano ah.

 

Sida ay baahisay wakaalada Wararka ee Sucuudigu   ayaa sheegaya in Hooyadan oo ay da’deedu tahay 23 jir waxa aanay dhakhaatiirtu ku qasbanadeen in ay hooyadaasi qallaan kadib markii ay fooshu ku daba dheeraatay.

 

Mataanaha ay hooyadani dhashay ayaa waxa ay kala yihiin laba wiil iyo laba gabdhood. Dhinaca kale wasaarada caafimaadka ee dalka Sucuudiga ayaa shaacisay in laba ka mid ah mataanahaasi ay xaaladoodu caafimaad daryeelayaan kadib markii uu naqasku qabtay, balse labada kale ay xaaladoodu aad u wanaagsan tahay sidoo kale hooyadaasi afarta mataanaha ah ummushay ayaa haatan xaaladeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker