Xilliga ay dhacayso doorashada Jubaland oo lasoo hormariyey

Guddiga doorashada Jubaland Gaar ahaanna garabka uu magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

Qoraal maanta kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 17-ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoonka baarlamaanka cusub halka doorashada Madaxweynahana  ay dhici doonto 19-ka bisha.

Waxaa sidoo kale maanta magaalada lagu dhaariyay 75-ka xildhibaan ee cusub ee Jubaland ee garabka ay soo magacaabeen guddiga ay taageersan yihiin mucaaradka.

Dhinaca kale, waxaa maantaa magaalada gaadhay wafdi ka socda AMISOM iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan noo soo diray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker