Dawladda Iiraan Oo Ku Hanjabtay Dagaal Hadii Israel Caga Saarto Marinka Hormuz

Waaxda difaaca ee dalka Iiraan ayaa ka hadashay ka qeybgalka ciidanka badda Israel ay kaga mid noqoneyso xulufada mareykanka ee qorsheynaya in ay ilaaliyaan maraakiibta mareysa gacan biyoodka Hormuz.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Janaraal Gholamreza Jalali ayaa sheegay in Iiraan ay dhimasho ka xigto marka ay timaado difaaca biyaheeda iyo Dalkeeda.

Mr Jalaali ayaa intaa ku daray in wadamada dariska ah iyo dalalka carbeed ay sugu karaan amniga wadamadooda balse hadii Mareykanka iyo xulufadiisa ay isku dayaan daandaansi dagaal ay la kulmi doonaan jawaab Adag.

Dhanka kale waxuu Israel Ua digay in ay soo fara galiso danaha Iiraan oo uu sheegay in cawaaqib ay kala kulmi Doonto.

Janaraal Gholamreza Jalali ayaa ugu danbeyn hadalkiisa ku soo koobay in Israel amni ay ilaaliso iska daaye aysan awoodin in ay iska difaacdo Lubnaan iyo kooxaha iska caabinta Falastiin.

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker