Madaxwynaha Somalida Ethiopia Md Mustafe Maxamuud Cumar (Mustafe Cagjar ) Oo Ummada Somaliyeed ka Tacsiyadeeyay Geerida Eng Yariisaw

Madaxweynha maamulka soomalida Itoobiya ayaa tacsiyeey shacabka soomaliyeed, Geeridii ku timid Ilaahay naxariistiisa ha ku galadee, Marxuum Yariisow, madaxweyanaha ayaa ka hadlay intii uu ka Yaqaanay Injineerka, waxaana uu dhigay dhanbaal bogga uu ku leeyahay Facebooka, waxana uu u qornaa sidan.
Innaa Lilaahi Wa-Innaa Ilayhi Raajicuun.

allaha u naxariisto gudoomiyihii Gobalka Banaadir ahna mayor-kii caasimadda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) oo ku geeriyoodey goor dhawayd, wadanka Qatar, oo baryahan xaaladisa caafimaad lagula tacaalayay, waxaan tacsi udiraynaa dhamaan shacabka umada somaliyeed, khaasatan qoyskii iyo eheladii uu kabaxay marxuumku, wuxuu u shihiiday isagoo gudanaya sidii horumar loo gaarsiin lahaa umadda somaliyed.
intii aan ka aqaanay wuxuu ahaa, shaqsi wadaniya, jecel horumraka somalia, af-gaaban oo dadkana u naxariista ILLAAHEY qabriga hakuu waasiciyo, jannadiisana ha kugu abaal-mariyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker