Hamiga Beesha Isaaq kuma qotomo hogaaminta Somaliland e,wuxuu ku qotomaa cadaadinta Beelaha darifyada iyo Beelaha Gabooye.

Muddo dheer ayaan u fiirsanayay arintani.Waxaan ku bilaabay dareen u fiirsasho ah,kadin waxaan u gudbay daraasad. daraasadaasi waxaan bilaabay dhamaadkii qarnigii  ina dhaafay.Waxaan  soo gabagabeeyay  maanta oo ay taariikhdu tahay,31/07/2019. In  aan soo gunaanado daraasadaasi waxaa kalifay hadal ka soo yeedhay,Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada ee Somaliland,Mr. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Aayaanle.Axmed Yaasiin wuxuu ka hadlay qaabkii loo hogaamin lahaa Somalilandta ku jirta niyada dadla ku abtirsada Somaliland,taasi ku imankarta Cadaalad iyo sinaan,iyo in loo gudbo wax wada yeelasho ah oo xalaal ah.Kuraasta Golaha Wakiilada in si xaq ah loo qaybiyo,si loo helo Somaliland run ah oo aduunka wax la qaybsata.Axmed Yaasiin wuxuu intaa raaciyay hadal run ah,kaasi oo ahaa:”Reer Awdaloow idinka ayaa isku haya inaad xaqiina heshaan iyo inaad sida ku sii jirtaan”.taasi oo la macno in ah   –  i aanay suurto gal ahayn 58 out of 82 inay Isaaq sooc ah sii ahaadaan,halka ay Beelaha Somaliland ee kale  – marka laysku daro ay yihiin,24 kursi.Hadalka Axmed Yaasiin muu ahayn mid uu dad gaara wax ku yeelayo,mana uu ahayn mid Somaliland wax u dhimaya,laakiin wuxuu ahaa hadal yimid maalintii loo baahnaa  oo ah maalin loo socdo in la galo doorsho,iyo waliba  maalin loo balansanaa in la saxo wada-lahaashaha kuraasta Golaha Wakiilada ee Somaliland.Dadka Reer Awdalna aadbay ugu sacabiyeed hadalkaasi.
waxa markaliya isbadalay Caadka siyaasada ee Hargeisa.waxaa Tvyada soo fadhiistay,rag sheegaya inay ka tirsanyihiin Xisbiga Xagjirka ah ee la yidhaa KulmiyeXisbigaasi oo ay hogaamiyaan kuwa uu ku fogaaday nacaybka reer Awdal.waxaa isna ka daba qaatay Xisbiga Ucid oo isna ah mid uu hogaamiyo shaqsi Cunsuri ah oo la yidhaa Faysal Cali waraabe.Intaa uun  maahee,waxaa queue dheer soo galay rag ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo ka mid yahay ninka la yidhaa;Xildhibaan Bukhaari.Dhamaantood waxay ka sinaayeen in Somaliland sidaa ku socoto.waxay ka sinaayeen hadal meel waayay oo uu ka muuqdo nacayb samaroon.Waxay isku raasanayeen cadaaladarada ka jirta Somaliland inay xaq tahay.
Waxaa hadaladooda ka mid ahaa in Somaliland u baahan tahay tirokoob.Taasina aan la samaynkarin.Madaxwaynuhu kuma joogo codka dad la tirokoobay,shacabka Somaliland ma laha  – Id Card.Golaha Wakiilada ee %87 ay yihiin Isaaq kuma joogaan codka dad la tirokoobay.waxay ku joogaan qaab xaaraan ah iyo dadka kale ee Reer Somaliland oo xaqoodi la duudsiiyay.Hadiiba la sameeyo tirokoob,ayaa dadka tiroboobaya?
Waxaa dadka tiroobayaa waa isla isagii oo wuxuu ku odhanayaa,halkana waxaa ku nool;100 qof,Gabilayna waxaa ku nool;300 000  oo qof.reer Awdal waa inay iska xidhaan albaabkaasi la yidhaa – tirokoob oo ku jira gacabta isbaysiga Heegaanta.Reer Awdal ha mideeyaan codkooda oo ha diidaan ka qayb qaadashada doorashada la sheegay,ee lagu soo qaatay lacagta faraha badan.
30-kii sano ee ina dhaafay waxaa jiray Somaliland.Somaliland magac ahaan ayay u jirtay,laakiin manfac ahaan waxay ahyd Isaaq.Haba kala boobaan iyagu ye waxay ka sinaayeen cadaadinta dadka Reer Awdal.Ilaa maantana way ka simanyihiin.Halkii ay ka hogaamin lahaayeen dawlad la yidhaa Somaliland,waxay wakhti.dhaqaale,iyo talaba ku bixiyaan cadaadinta reer Adal.Marmarka qaarkood waxaad arkaysaa in aanay Beesha Isaaq lahaynba hami kale,ujeedo kale iyo aragti kale,oo aaanay jirinba meel ay u socdaaba.Mihiimada ugu wayniba waa in uu samaroon ku jiro cadtooda hoosteed.Sida  aan ku helay daraasadaasi aadbay ugu farxaan in uu samaroon ku jro gacabtooda oo uu qaybka yahay xaybdaab ka Somaliland.Hadalka samaroonku wuu dhibaa oo aadbay uga gubtaan,laakiin hadalka ka soo yeedha Hartigu ma dhibo.Somaliland may galinin tacab ay ku hormariyaan aqoonsigeeda,dhismaheeda,iyo dawladnimadeeda e waxaad moodaa in guusha ay socdeenba ay ahayd intaasi aan kor ku soo sheegnay.
Aniga ma lihi Isaaqa naca oo u qaada nacayn,laakiin waxaan uun soo bandhigayaa xog aan soo ururshay muddo ah,30 sano.
Reer Awdal  waxaan u soo jeedinayaa in ay diiidaan doorasho aan loo marin wixii lagu balansanaa – Saami-qaybsiga kuraasta wakiilaga/
Ninka yidhi,sinaan mayno,adna buri sarayntiisa.
Axmed Aadan xuseen,Luton Uk
geeddiqsi@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker