War Degdeg ah: Dagaal Kadhex-qarxay JabhDDA Col-Caarre Iyo Xukuumadda

 

 

Subaxnimadii saaka waxa dagaal ka dhexqarxay Jabhadda uu hoggaamiyo Col-Caarre iyo Ciidammada Xukumadda Somaliland. Dagaalkan ayaa ka bilawday buurta ay marto waddada Tabca kaddib markii jabhaddan oo muddooyinkii ugu danbeeyeyba hoygeedu ahaa buuraleyda waqooyi ee Ceerigaabo ay habeennimadii xalayto ka daaddegeen waddada tabca oo ahayd halbowlaha keliya ee xukuumaddu ka hortaagnayd inay fursad u helaan jabhaddaasi.

 

Dagaalkan ayaa dadka degaanka ahi soo sheegayaan in gaadiidka ciidammada dawladda xilligan laga hortaagan yahay inay helaan fursad ay buurtaas kaga daaddegaan, waxana sidoo kale dadka degaanka ahi soo sheegayaan inay jirto rasaas hubka teknida ah la adeegsanayo oo ay maqlayaan mararka qaarkoodna ay arkayaan qiiqa meelo rasaasta qaarkeed ku dhacayso, haseyeeshee ilaa hadda khasaaraha lama oga marka laga reebo warar aan weli caddayn oo sheegaya in ay jirto dhaawac iyo dhimasho dagaalkan kadhashay.

 

Waxana wararka dheeraadka ahi sheegayaan in Col-Caarre iyo ciidammo jabhaddiisa kamid ahina hore u gaadheen magaala-xeebeedda Maydh.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker