Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda,waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

 

Munaasada waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda ee Sareeye Guuto General Peter Elwelu iyo Madax kale.

Ciidamadan ka socda Qaramada Midoobay una dhashay dalka Uganda ayaa ka kooban 625 isugu jira Saraakiil & Ciidamo oo 89 ka mid ah ay haween yihiin,waxaana ay ilaalin doonaan Xarumaha UN-ka Saqaalaha iyo saraakiishooda.

“Waxaan u mahadcelinayaa hoggaanka ciidamada ee hoos yimaada Taliyaha Ciidamada Difaaca gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Dhulka. “Waxaan hogaamin doonaa xirfad ahaan iyo si hufan ayuu yiri Taliye kuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugisha”

 

Ciidamadaan ka socda Qaramada Midoobay ee soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay bedeleen Ciidamo kale oo waqtigooda dhamaday,kuwaas oo dib loogu celiyay dalkooda,waxaana sidoo kale ay ku soo aadayaa xilli Al-Shabaab ay sheegeen in qarixii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ay la damacsanaayeen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

James Swan (left), the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia hands over a UN flag to Lt. Colonel Nathan Bainomugisha, the Incoming Commander of the United Nations Guard Unit VI during hand over/take over ceremony held in Mogadishu, Somalia on July 25, 2019.UN Photo/Ilyas Ahmed
James Swan, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia inspects a guard of honor mounted by Ugandan soldiers serving under the United Nations Guard Unit (UNGU), during hand over/take over ceremony held in Mogadishu, Somalia on July 25, 2019.UN Photo/Ilyas Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker