Ciidamada Cirka ee Israel oo gantaallo La dhacay Koonfurta Suuriya

 

Wakaaladda wararka Suuriya ayaa sheegtay in milatariga Israil ay xalay saqdi dhexe kaddib gantaallo ku weerareen saldhigyo millatari oo ay ciidamada dowladda Suuriya ku leeyihiin Koofurta Suuriya.

 

Wakaalada wararka Suuriya  ee  SANA waxay ku warrantay in goobaha la bartilmaameedsaday ay u dhawyihiin dhulka ay Israil Suuriya xooga uga qabsatay ee Golan Heights.

 

Kooxda kor-kala socota dagaallada sokeeye ee Suuriya ee fadhigoodu yahay London, ayaa iyana saakay xaqiijiyay in Israil ay gantaallo ku weerartay fariisimo ay ciidamada Suuriya ku leeyihiin dhinaca koofureed, gaar ahaan aagga loo yaqaano Tall al-Hara.

Kooxdan ayaa sheegay in ay jiraan khasaaro ay duqeynta geysatay, balse ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo ilaa iyo iminka kasoo baxay weerarka.isra

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker