Dawladda Hindiya oo sheegtay inaanay Trump ka Codsan inuu dhex dhexaadiyo iyaga iyo Pakistaan

Dowlada Hidiya ayaa sheegtay in aysan Mareykanka ka codsan in uu dhaxdhaxaadiyo qilaafka u dhaxeeya maamulada New Delhi iyo Islamabad taasi oo madaxweynaha Mareykanku sheegay in uu xalin Doono.

 

Wasiirka arimaha Dibada Hindiya Subrahmanyan Jaishankar ayaa kulan ay yeesheen baarlamaanka ka hor sheegay in Ra’isul wasaare Narendra Modi uusan ka codsan Trump in uu ka caawiyo xaalada Kashmir.

 

Diblumaasigan ayaa yidhi waxaan qirayaa oo idiin xaqiijinayaa in aysan jirin wax codsi ah oo Hindiya u dirsatay Mareykanka.

Mr Jaishankar ayaa intaa raaciyay in aysan jiri dooni gacan sadaxaad oo qeyb ka noqon doonta xalinta dhibaatada Hindiya iyo Pakistaan.

Ra,isul wasaaraha Pakistaan Imran Khan oo warbaahinta kula hadlay aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu ka codsaday intii lagu guda jiray shirkii wadamada G20-ga bishii hore ee lagu qabtay dalka Japan, meesha uu jecel yahay in lagu xaliyo qilaafka labada dal una sheego halka uu dooran lahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker