Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Tabobbar u Furay Laba Boqol oo ka tirsan Macallimiinta Maddarasadaha Heer Qaran ee dalka

Hargeysa (OWN)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa tabobbar aqoontooda kor loogu qaadayo u furay 200 (laba Boqol) oo Macallin oo ka tirsan Macallimiinta Maddarasadaha dalka ee heer Qaran.

 

Tabobbarkan oo muddo laba cisho ah ka socon doona xarunta wasaaradda Awqaafta ee magaalada Hargeysa, Wasiirka Diinta ka sokow, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Madaxda waaxyaha wasaaradda awqaafta, Masuuliyiinta Jimciyadaha Maddaarisku ku midaysan yihiin qaarkood, Culimo Aqoonta Diinta ku xeel-dheer oo tabobbarka bixinaya, Macallimiinta iyo Marti-sharaf kale.

 

Tabobbarkaas ugu horreyn waxa hadal ka jeediyey oo ujeedkiisa faahfaahiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla, waxaanu sheegay in tabobbarkani yimi ka dib markii wasaaraddo xog dhab ah ka heshay tirada Maddarasadaha afarta gobol ee Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer oo ay diiwaangelisay maddaarista ka jirta, macallimiinta wax ka dhiga iyo ardayda wax ka barata iyo sidoo kale baahiya kor u qaadista tobobbarrada aqooneed ee Macallimiinta, iyadoo taas ka jawaabaysana ay tobobbarkan diyaarisay wasaaradda Diintu.

“Waxaanu diiwaangelinnay Madaarista ilaa aanu ka dhammeystirnay Afar Gobol oo ay ugu horeyso Caasimadda, gobolka Togdheer, gobolka Awdal iyo gobolka Saaxil, taas oo runtii si wanaagsan noogu soo dhammaatay. Labada gobol ee hadhsan ee Sool iyo Sanaag-na waxaanu doonaynaa inaanu dhawaan ka hirgelinno (Diiwaangelinta Madarashadaha). Ujeeddada aanu ka leenahay diiwaangelintaasi waxa weeyi in la hor mariyo, la tabobaro lana tayeeyo Madaariska iyo Macalimiintaba maadaama Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu ka mid tahay wasaaradaha dalka ugu muhiimsan, Qur’aanka Kariimka ah iyo Barashadiisuna ka mid yahay masuuliyadda Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

 

Agaasimaha oo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya oo yidhi, “Tabobarkan waxa ka qayb-qaadan doona Afar Kun iyo Todoba Boqol (4700) oo macalin, labada Boqol (200) ee halkan fadhiyaana waa wejigii kowaad, waanu inoo socon doonaa, ujeeddada aanu ka leenahayna waa in la tayeeyo macalimiinta”.

 

Agaasimaha Waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Aadan oo iyagu ka mid ah Macallimiinta Tabobbarka bixinaya, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen in tabobbarkani yahay mdi wax badan u kordhin doona Macallimiinta oo ku dabbiqi doona shaqadooda waxbarista da’yarta.

 

 

“Waxaan runtii dareemayaa guul-weyn oo ah inaynu hore u sii soconno, Allah haynoo siyaadiyee, halka uu Qur’aanku (Barashadiisa) marayey baryo qaar iyo halka uu maanta marayo runtii waa Nimco weyn, waxay maalinba maalin inoo soo dhiibto, maanta waxa Illaahay mahaddii ah oo wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta aad ugu mahad-naqaynaa inay inoo diyaarisay goobtaa quruxda badan,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

 

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Sacad Cali Shire, oo halkaas ka hadlay, ayaa talooyin u jeediyey Macallimiinta Maddarasadaha, oo uu ku tilmaamay barbaariyeyaasha ugu mudan ee bulshada, isla markaana looga baahan yahay inay Jiilal dhinaca Diinta ka dhisan soo saaraan.

“Qiraa’ada iyo Qoraalka waxa ka muhiim Barbaarinta, mustaqbalka Qarankani noqon doono waxa u tusaale ah waxa aad immika ku baraarisaan carruurteenna. Idinku waxa aad dhisaysaan umadda, xil weyn baa idin saaran,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

 

Gebogabadii Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa tabobbarkaas si rasmi ah u furay, waxaanu la dardaarmay Macallimiinta Qur’aanka iyo Culuunta diiniga ah dhiga, isla markaana waxa uu ka warramay muhiimadda Qawlka Eebbe ee Qur’aanku leeyahay iyo masuuliyadda Islaamka ka saaran.

 

“Mustaqbalka umaddeenu wuxuu ku xidhan yahay hadba sida barbaarinta ubadkeennu yihiin, sida ay u eegyihiin, gaar ahaan da’da u dhexaysa laba jir ilaa siddeed jir oo ilmaha yari noqonayo mid maskaxdiisa ku daabacaya waxa uu indhihiisa ku arko ama uu dhegaha ku maqlo. Maadaama aad tihiin macalimiintii isu xilsaaray Illaahayna Waafajiyey inay hayaan shaqadii ugu qiimaha badnayd ee ugu sharafta badnayd adduunyada oo ah inay dadka baraan Qur’aanka Kariimka ah oo ah Waxyigii iyo Kalaamkii Allah (SWT) oo Ilmaha yar qalbigiisa ku daabacaan,”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo la hadlayey Macalimiinta Tababarka loo furay.

 

 

Wasiirka oo ka hadlayey Qiimaha Macalinku ugu fadhiyo Bulshda, waxa uu yidhi, “Waxaad ka war-hayaan fadliga guud ahaan macalimiintu leeyahay. Macalinka Maaddiga ah iyo guud ahaan kuwa wax-dhigayaba wuxuu siiyey amaan, waxa haddana si gaar ah loo sii ammaanay macalinka dhigaya Qur’aanka Kariimka ah oo la yidhi Waxa idinku kheyr badan qofka Qur’aanka Dadka baray”.

 

Tabobbarkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland u qabato macallimiinta Maddarasadaha dhiga. Iyadoo Wasaaraddu ku guulaysatay bilihii inna dhaafay ee sannadkan inay diiwaangeliso Maddaarista magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco, Ardayda wax ka barata, Macallimiinta dhiga-ba iyo Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midaysan yihiin.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker