Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Siyaasad Falcelin Ku Dhisan (Qaybtii 75aad) Qore : Maxamed Xoosh

Marka la isbarbardhigo labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland waxay isku noqonayaan dawlad koraysay ku dhawaad 30 sano dhan kasta iyo xukuumad ku sheeg aan ka talin caasimada muqdisho OO SHARCIYAD LOO SIIYAY MAAMULIDA DHAXALKII SOOMAALI OO DHAN WADA LAHAAN JIRTAY

Laba Arimood ayaa isku kay qaba,la FARMAAJO waa cadowga ugu weyn ee jamhuuriyada Somaliland iyo waan ka cabanayaa talaabo uu qaado HADII MAR FARMAAJO LOO AQOONSAN YAHAY CADOW WAX WALBA KA FILO OO HALA YAABIN !!!

Siyaasada Jamhuuriyada Somaliland ee ku saabsan arimaha Soomaaliya waxay ku dhisantahay KA JAWAABIDA GO, AAMADA VILLA SOMALIYA KA SOO BAXA “Waa arin laga xumaado”

Waxaan isweydiiyaa goorma ayay Soomaaliya ka caban doontaa Somaliland iyadoo uga ashkatoonaysa dawladaha jaarka ama urur goboleedyada IGAD iyo Afrika

Badi siyaasiyiinta u dhashay Somaliland waxay ku celcelin jireen kuna celceliyaan oo yaab ah

Farmaajo waa cadawga Somaliland, Soomaaliya Waxay Xaasidaysaa Somaliland, Soomaaliya waa dawlad gacanta lagu hayo oo aan xor ahayn, Soomaaliya waa hoyga argagixisada ….. Muwaadinka Somaliland u dhashay wuu ka dharagsan yahay hadaladaa oo 20 sano ayaa loo laqimaayay isna ka war hayay !

Markay sidaa tahay maxaa Dalka Somaliland la gudboon?

siday ila tahay waxaa ka saari kara SIYAASADAN KU DHISAN U JAWAAB XAMAR iyadoo la abuuro siyaasad hore u socota oo aan sugin talaabooyinka xukuumada muqdisho fadhidaa qaadi doonto

Siyaasada Dhaqaalaha Tusaale ahaan “In suuqyo kale loo doono dhoofka xoolaha Somaliland oo aan la sugin inta la xayirayo”

Marka ay taagan tahay nolosha maalinlaha ee Bulshada kala hufintooda iyo haadintooda hadal joogta ahi waxba kama taro WAXQABAD DHAB AH AYAA WAX KA TARI KARA, runtii waxa wadanka hadheeyay MIISAANO AAN DHEELI TIRNAYN DHINAC WALBA oo sabab ugu weyn leedahay dhaqanka bulshada iyo dawladnimada oo iska qaadan kari waayay

Madaxweyne Siyaasada loo jawaabaayo xukuumad ku sheega liidata ee muqdisho fadhida waxa ka wanaagsan HAL-ABUUR iyo ARAGTI ka hortagi kara falku intaanu dhicin ama ka duwan tan maanta jooogta

Allaa Mahad leh

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker