Akhri: Madaxweyne Biixi Oo Sifo Sharciga Baalmarsan Abaal-Gud Ku Siiyay Shirkaddii Sibidhka Berbera Ganacsade Maxamed Aw-siciid

Dokumenti cadayn ah oo warbaahintu heshay ayaa lagu ogaaday in shirkadii Sibidhka Berbera ay Xukuumadda Muuse Biixi si rasmi ah u siisay Shirkadda uu leeyahay ganacsade aad ugu soo ololeeyay Madaxweyne Biixi wakhtigii doorashada Madaxtooyadda Maxamed Awsiciid Geedi iyo shirkad dalka Cumaan laga laga leeyahay oo layidhaa RAYSUT CEMENT.

Sida Dumentigan ku cad, waxa uu maalgalinta Mashruucani ku kacayaa illa 40 Million oo dollar. Waxay shirkadda Raysut Cementa saami u helaysaa sida heshiiska ku qoran 55% halka ay shirkadda Maxamed Awsiciid “MSG” iyana Saamiga ugu qoran yahay 45%.

 

 

 

Heshiiskani ayaa u muuqda mid qarsoodi ah oo aan sifo sharci ah loo marin, mana jirto wali warbixin ku saabsan heshiiskan oo kasoo baxday hay’addihii ku shaqada lahaa. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa u muuqday inuu abaal gud ku siiyay Maxamed Awsiciid Geedi oo ay isku beel hoose kasoo wada jeedaan, islamarkaana wakhtigii ololaha ka badheedhay taageeradiisa, waxaanay arintani abuuri doontaa buuq iyo kacdoon xoogleh oo dad badani u fasiran doonaan qaabka kursiga arimo kale looga faa’iidaysanayo.

 

 

Halkan Hoose Ka Akhri

https://arabic.rt.com/business/1030035-

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker