Waa kuwee Labada Xisbi siyaasadeed ee ku Hirdamaya Siyaasadda Somalia

Muqdisho (OWN) – Labada Xisbi ee ugu awooda badan Siyaasadda Soomaaliya oo kala ah Xisbi Xaakimka Nabad iyo Nolol oo hadda hayo talada dalka iyo Damul Jadiid oo hadda sameystay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Ayuu ka dhexbilaabmay Loolan adag oo Weerar iyo weerar celis ah.

Carqaladda ugu waynina waxay Salka ku haysaa dhanka Doorashooyinka maamul Goboleedyada oo ah aasaaska koowaad ee loolanka doorashada guud ee dalka ka dhici doonto, marka uu dhamaado waqti xilliyeedka Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay hadda u hadhsan tahay hal sano iyo badh.

Loolanka u dhaxeeyo labadan garab ayaa hadda ah mid barbaro ah marka loo fiiriyo tartankii ay ku galeen doorashooyinkii ka kala dhacay Koonfur Galbeed oo ay Nabad iyo Nolol ku guuleysatay iyo Puntland oo larumeysan yahay inay ku guuleystay Damul Jadiid oo hadda waji cusub siyaasadda kusoo geli doono maadaama Deni uu Damul Jadiid ka tirsanaa.

Loolanka ugu adag ayaa wuxuu labadan dhinac ku dhex marayaa doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaanada Galmudug halkaas oo uu maalmihii dambe booqasho ku joogay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre Illaa haddana ku sugan yahay .

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu dambeeyo ku bixineyso sidii uu Galmudug ugu guuleysan lahaa shakhsi ay iyada wadato si ay iyada usoo xusho xildhibaanada Federaalka kasoo galayo Maamulkaas,

maadaama xubnaha mucaaradka dowladda intooda badan ay Baarlamaanka kasoo galaan maamulkaas.

Halka Xisbiga uu hoggaamiye Xasan Shiikh Maxamuud ay culeys weyn dareemayaan maadaama Nabad iyo Nolol laga yaabo inay halkaas kaga guuleysato,

waxayna wadaan dadaalkooda ugu dambeeyo oo ay ku doonayaan inaysan Galmudug gacanta u gelin Nabad iyo Nolol taasoo sabibi karto inaysan saameyn ku yeelan Doorashada dalka ka dhici doonto.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa socdaal dheer kusoo maray deegaanada Galmudug sida Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq, Xiraale iyo Cadaado, wuxuuna U jeedka ugu weyn yahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga hirgelin laheyd qorshaha ay la damacsan tahay Galmudug oo ah inay gacant ku dhigto maamul ahaan iyo soo xulista Xildhibaanada Federaalka marka la gaadho waqtiga Doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Kooxda Damul Jadiid ayaa dhankooda wado olole xooggan, waxayna Cadaado kula kulmeen odayaal dhaqameedyada, iyagoo kala hadlay inaan gacanta loo gelin Galmudug Dowladda Federaalka isla markaasna ay doorashada noqoto mid aan mugdi ku jirin.

Galmudug ayaa noqon doonto meesha ugu badan oo uu ka dhici doono loolanka u dhaxeeyo Damul Jadiid iyo Nabad iyo Nolol, maadaama Xildhibaanada saameynta leh ay halkaas kasoo jeedaan.

Marka la fiiriyo Doorashada ka dhici doonto Jubbaland waqtigan
la joogo wax saameyn ah kuma lahan Nabad iyo Nolol waxaana xidhidh ahaan Axmed Madoobe kaga dhow Damul Jadiid, waxaana macquul ah inuu labadan dhinac dhex maro wada shaqeyn ku aadan in Dowladda Soomaaliya loo diido inay Jubbaland kasoo saarato xildhibaano daacad u ah.

Haddii aysan wax is badalin, lama rajeenayo inay dowladda gacanta ku dhigto jubbaland, maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay wax lug ah dowladda ku yeelato doorashada isagoo ka shaqeenayo sidii uu usoo xuli lahaa XIldhibaano isaga dib usoo doorto marka la fiiriyo qaabka ay hadda wax u socdaan iyo Guddiga doorashada oo daacad u ah Axmed Madoobe.

Doorashooyinka Galumudug iyo Jubbalanad aya go’aamin doono cidda yeelan doonto awooda doorashada soo socoto maadaama ay hadda dowladda gacanta ku heysato Kaliya Koonfur Galbeed halka Hirshabellana aysan weli meel u dhicin iyadoo ay isku dhaceyn Waare iyo Nabad iyo Nolol lagana yaabo inay bilowdaan mooshin meesha looga saarayo Waare markaasoo Hirshabeelana ay ka dhici doonto hardan culus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker