Maxaa ka Jira In wasiir Faratoon uu warqadda iscasilaadda u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi ?

Warar lagu kolsaan yahay ayaa sheegaya in wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xubno ka tirsan xafiiska wasiirka ayaa xaqiijiyay in wasiir Faratoon uu waradda is-casilaadda gudbiyay dabayaaqadii todobaadkii tegay, kadib markii ay soo food saartay xaalad caafimaad, balse aan madaxweynuhu weli go’aan ka gaadhin arintan.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 10-kii bishii November ee sannadkii 2018 Faratoon u magacaabay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland, isagoo ka beddelay wasiirka Waxbarashada oo uu xilligaasi ahaa.

 

Wasiir Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland tan iyo sannadkii 1991-dii oo uu soo noqday, guddoomiyihii ugu horreeyay ee Somaliland u magacowday gobolka Sool.

 

Sidoo kale, xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu sannadkii 1993 ka noqday wasiirka Caafimaadka, halka xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee sannadkii 2003 uu ka noqday, wasiiru-dowlaha Dibu –dejinta Somaliland.

 

17-kii bishii Agoosto ee sannadkii 2016, madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha maamulkaasi.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker