Xogta Iftiimisay Sababta Rasmiga ah ee Ka damabaysa Fashilaadda Kulankii Somaliland iyo Somalia ee Nairobi,

Hargeya (OWN)- Wararka ka soo baxaya kulan-hawleedka salaasadii shalay magaalada Nairobi ka qabsoomay ayaa sheegaya in aanay haba yaraato ee ka soo xaadirin masuuliyiintii la filayey in ay dhinaca Soomaaliya ku metelaan kulankaas oo lagu sheegay in uu gogolxaadh u yahay bilowga wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kale oo iyaguna kulanka ka maqnaa diblumaasiyiin badan oo hore loo shaaciyey in ay iman doonaan.

Kulankan waxaa Somaliland uga qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), maareeyaha hay’adda duulista iyo hawada mudane cabdi Maxamed Rodol iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Mudane Baashe Cawil Cumar.

Laakiin waxa aan shirka ka soo xadirin masuuliyiintii hore loo shaaciyey in ay Soomaaliya ku meteli doonaan kulanka, oo ahaa madaxa shaqaalaha madaxweyne Farmaajo, Dr. Nuur Diiriye Xirsi iyo ku xigeenkiisa Cabdisataar Geelle.

Warar dheeraad ah oo uu helay wargeyska GEESKA AFRIKA ayaa sheegaya in kulanku uu ahaa kulan-hawleed ama waxa siminaarka loo yaqaanno oo hawlihiisa iyo qaban qaabadiisu ay u gaar ahayd xarunta ‘Centre for Humanitarian Dialogue’ iyadu ay diyaarsatay ajandaha iyo mawduuca kulanka, kaddibna ku casuuntay diblumaasiyiinta beesha caalamka ee ay magacyadooda xustay iyo labada dawladood.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in xarunta Centre for humanitarian dialogue aanay ujeedada iyo imaanshiyaha kulankan kala hadal dawladda Soomaaliya, balse ay si madaxbannaan u casuuntay labada masuul ee magacyadooda la shaaciyey oo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee madaxtooyada Soomaaliya.

Halka dhinaca Somaliland, uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda somaliland mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xarunta ka tirsan, uu xukuumadda Somaliland kulankan u tusay in uu gogolxaadh u noqon doono wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Maadaama oo ay diblumaasiyiin badani imanayaanna u dan u yahay Somaliland. Arrintaas oo sabab u noqotay in masuuliyiin miisaan leh oo dhinaca Somaliland ka socdaa ay shirka tagaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka war heshay labada masuul ee shirkan sida shakhsiga ah uga qaybgalaya, kuna canaanatay in ay si dhaqso ah uga joogaan, cadeeyaanna mawqifka runta ah ee ay Soomaaliya ka taagan tahay oo ah diidmo.

Madaxa shaqaalaha madaxweynaha Soomaaliya, oo ahaa masuulka ugu sarreeyey ee dawladda Soomaaliya ka tirsan ee shirka tegi lahaa ayaa isla saacadihii hore ee bilowga wada hadallada waxa uu bartiisa twitter ka ku faafiyey qoraal uu ku deedifaynayo kulanka, isaga oo sheegay in wakiilo dawladda Soomaaliya ka socdaa aanay kulanka Nairobi ka qaybgeli doonin. Nuur waxa uu qoraalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la yeelato Somaliland, laakiin waxa uu ku xidhay shardi ah in ay noqdaan kuwo marka hore laga sii heshiiyey, halka suurtagalka ah ee ay ka qabsoomayaan, ajandaha laga wada hadlayo iyo cidda ka qaybgelaysa.

Dadka arrimaha siyaasadda gorfeeya ayaa aaminsan in kala sarraynta heerka ergada kulankan uga qaybgelaysay labada dawladood uu diblumaasiyad ahaan nusqaan ku ahaa Somaliland, marka lagu daro in wakiillada dawladda Soomaaliya aanay ka soo qaybgelin iyo qoraalka masuulka Soomaaliya uu bartiisa Twitter ka dhigay, waxa ay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay xukuumadda Somaliland ay ka taxaddarto heerka metelaadda ee kulamada ay ka qaybgelayso iyo in ay qorshe cad ka yeelato ergada rasmiga ah ee kulamada wada hadallada mustaqbalka uga qaybgeli doona.

Si kastaba ha ahaato ee xukuumadda Somaliland ayaa iyadu sheegtay in go’aankeedu yahay in ay wadahadallada somaliland iyo Soomaaliya ku hor fadhiisato masuul kasta oo Soomaaliya soo dirato darajo kasta oo uu yahay. sida uu caddeeyey wasiirka arrimaha dibadda oo Idaacadda BBC la hadlay.

Dhinaca kalana wakiilka somaliland ee dalka Kenya ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa Facebook ku sheegay in waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibaddu ay ku faraxsan yihiin ka qaybgalka shirkan ku saabsanaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Mudane Baashe waxa uu sheegay in Somaliland wax laga qoomamoodo ay u aragto in dawladda Federaalka Soomaaliya aanay ka faa’iidayn fursaddan lagu sii wadi lahaa waxa xaajoodka, taasina ay calaamad u tahay fawdada iyo wacad la’aanta ka jirta qaabka ay Filla Soomaaliay doonayso in ay u marto iskaashi nabdoon oo ay la yeelato Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker