Agaasimaha Waaxda Miinada Ee Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Oo Fariin Wacyi Galin Ah U Diray Dadweynaha Reer Somaliland.

Agaasimaha Waaxda miinada ee wasaaradda gaashaandhiga JSL Cabdirashiid Ibraahin Aadan ayaa fariin wacyi galin ah u diray dadka reer Somaliland taasi oo ku saabsan sidii ay iskaga ilaalin lahayeen dhamaan wax kasta oo ay u aqoon sadaan in uu naftooda halis ku keeni karo maadaamo oo ay tahay wakhtiyadii roobka oo ay soo baxaan wax yaabo badan oo dhulka hoos tiisa ku jira waxa kale oo uu sheegay in guud ahaan dalka oo dhan ay si balaadhan uga hawl galaan sidii ay uga nadiifin lahayeen wax-yaabaha qarxa ee ah hadhaadigii dagaalada ah.
Geesta kale waxa xusid mudan in ay Waaxda miinada ee wasaaradda gaashaandigu ay tahay waaxaha ugu balaadhan ee wasaaradda oo qaranka baal dahab ah ugu jirta maadaamo oo ay ku hawlan tahay sidii ay dalka uga nadiifin lahayd dhamaan wax kasta oo halis galin kara nafaha bini aadamnka.
Cabdirashiid Ibraahin Aadan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker